Maraykanka Trump ayaa sii wada dadaalkiisa uu ugu jiro taageeridda Israel. Sudan ka dib, bartilmaameedka cusub ee Washington waa Jabuuti. Cadaadis ayaa la saaraya madaxweynaha Jabuuti si uu xiriirka Israel caadi uga dhigo. Hase yeeshee, Madaxweyne Guelleh sinaba diyaar uguma aha inuu raaco waddadii Imaaraadka Carabta, Bahrain ama Sudan.
Sida uu sheegay Ismaïl Omar Guelleh, Madaxweynaha Jabuuti, dalkan ku yaalla Bariga Afrika ma bilaabayo inuu caadiyeeyo xiriirkiisa Israel. Hase yeeshee, hoggaamiyuhu wuxuu Israel ugu baaqay inay “muujiso tallaabo wanaagsan” oo ay ugu hiilinayso Falastiiniyiinta. Madaxweynaha Jabuuti Ismaïl Omar Guelleh ayaa toddobaadkan ka hadlay ololaha diblomaasiyadeed ee soo jiidashada ah ee Israel bilowday dhowr bilood ka hor. Wareysi uu Talaadadii, 24-kii Nofeembar 2020, siiyay The Africa Report, madaxa qaranku wuxuu sheegay in dalkiisu aanu qorshaynayn inuu caadiyeeyo xiriirkiisa Israel.
Hadalka ayaa yimid ka dib markii Imaaraadka Carabta, Bahrain iyo Sudan ay ku dhawaaqeen caadiyeynta xiriirkooda Tel Aviv. Hirkan isu-soo-dhowaanshaha diblomaasiyadeed ee uu taageerayo Maraykanka Donald Trump ayay Falastiiniyiintu u arkeen khiyaano, iyaga oo tobannaan sano xudun u ahaa xiisadaha u dhexeeya Israel iyo dunida Carabta.
“Waxaan ku khilaafsan nahay mas’uuliyiinta Israel, sababtoo ah waxay Falastiiniyiinta u diiddan yihiin xuquuqdooda aan laga qaadi karin,” ayuu Ismail Omar Guelleh ku sheegay wareysigiisa. Wuxuuna intaas ku daray: “Waxa keliya ee aan Tel Aviv ka codsanayno waa inay qaaddo tallaabo nabadda lagu taageerayo, annaguna toban tallaabo ayaan ugu beddeli doonnaa. Hase yeeshee, waxaan ka baqayaa inaysan weligeed sidaas samayn doonin ”.
Israel iyo Washington waxay inta badan bartilmaameedsadaan dalalka muhiimadda istaraatiijiyadeed u leh. Marka la eego xaaladda hadda jirta iyo goobta aadka istaraatiijiga u ah ee Jabuuti, caadiyeyntan si weyn ayaa loo doonayaa. Sababtuna waa mid cad: Jabuuti waxay bilowday hannaan ay kaga sii fogaanayso reer Galbeedka iyo sidoo kale Imaaraadka Carabta. Xusuusin ahaan, sannadkii 2018, Jabuuti waxay joojisay heshiiskii ay kula jirtay shirkadda Imaaraadka laga leeyahay ee DP World. Dhab ahaantii, shirkaddan ayaa hubisay in dekedda Doraleh ee Jabuuti aanay u horumarin sidii ay ahayd inay u horumarto, si aanay u carqaladayn horumarinta dekedda Dubai.
Tani waxay sidoo kale ka dhignayd in Jabuuti ay Shiinaha albaabbada u furtay horumarinta dekedda Doraleh iyo weliba in saldhig ciidan oo weyn laga hirgeliyo dalka.
Waxaa intaas dheer, Jabuuti waxay ka soo horjeeddaa Yemen, oo ah dal ay Sacuudi Carabiya dagaal ka bilowday sannadkii 2015. Dagaalkani wuxuu Dhaqdhaqaaqa Iska-caabbinta, gaar ahaan Ansarallah-ta Yemen, ka dhigay mid ka awood badan sidii hore. Xaaladda Yemen hadda way is beddeshay, Ansarallah-na dhul ayay qabsanaysaa. Taasi waxay Israel ku sii dhiirrigelinaysaa inay Sacuudi Carabiya ka taageerto ololaheeda gardarrada ah ee ka dhanka ah Yemen. Waxaa kale oo mala-awaalkan xoojin kara booqasho qarsoodi ah oo uu dhowaan Ra’iisul Wasaaraha Israel ku tagay Riyadh.
Yemen ka sokow, Badda Cas ayaa noqotay meel ay quwadaha reer Galbeedku si weyn u damcaan. Joogitaanka saldhig Ruushku ku leeyahay Eritrea, kororka ciidamada badda Iran iyo joogitaanka Shiinaha ee Jabuuti ma qancinayaan reer Galbeedka, mana siinayaan keli-talisnimada ay aadka u doonayaan.
Jabuuti waxay sidoo kale taageero siisay Itoobiya. Addis Ababa ayaa isku dayaysa inay ka baxsato dabin ay Washington iyo Israel u dhigeen, iyaga oo hubaynaya oo maalgelinaya gooni-u-goosatada Tigray si dagaal looga huriyo Geeska Afrika.
Sidaas darteed, Israel iyo Washington waxay isku dayayaan inay shabakaddooda ku fidiyaan dalalka Geeska Afrika, gaar ahaan Jabuuti.
Madaxweynaha Jabuuti Omar Guelleh wuxuu sidoo kale ku hadlayaa magaca shacabka Jabuuti. Hadalladiisu way cad yihiin: Israel waa inay marka hore joojisaa siyaasaddeeda argagixisada ah ee ka dhanka ah Falastiin iyo Bariga Dhexe, ka hor inta aan laga hadlin wax caadiyeyn ah!
Isha: PresstvAfrica
Waxaa turjumay Ali Musa
alimusa@axadletimes.com
Axadle Media Group







