Browsing Tag

aan

Raysal Wasaare Xamse: Waxaan qaadaynaa tallaabo degdeg ah oo aan ku joojinayno dagaalka Luuq

 Isniin, Luulyo, 8, 2024 (AX) - Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya  Xamsa Cabdi Barre, ayaa ku baaqay in si deg deg ah lagu joojiyo dagaal beeleedyada macno darrada ah ee ka socda degmada Luuq ee gobolka Gedo.Ra'iisul Wasaaraha ayaa sheegay in Xukumadda Federaalka Soomaaliya oo kaashanaysa maamulka goboleedka Jubaland ay qaadayso tallaabooyin degdeg ah oo lagu xaqiijinayo nabadda iyo degenaanshaha degmada Luuq.Xamse waxa uu faray Ciidamada Qalabka Sida in ay u istaagaan ka hortagga dagaallada iyo colaadaha sokeeye oo…

Hogaamiye Sheikh: Shabaabku waxay dalka ka bilaabeen iska horkeenidda beelaha si aan uga jeesano xorraynta dalka

 Axad, Luulyo, 7, 2024 (AX) - Hogaamiyaha dowladda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheikh Maxamuud ayaa sheegay, Alshabaab inay qeybo kamid ah gobolada dalka ka bilaabeen iska horkeenidda qabaailada si ay colaad uga dhex abuuraan, dhexdoodana uga abuuraan cadowtinimo.Hogaamiyaha Soomaaliya waxa uu sheegay ujeeddada ay Shabaabku ka leeyihiin  tallaabadan in ay tahay, sidii ay u cuuryaamin lahaayeen wajiga labaad ee howlgallada dib u xorraynta degaanada Shabaabku haystaan, oo uu sheegay  in ay dowladdu ugu diyaar garow xooggan…

Gobaladda Waqooyi oo sheegtay in wax horumara aan laga samayn karin wadahadalada Soomaaliya iyo Itoobiya

 Khamiis, Luulyo, 4, 2024 (AX) - Wakiilka Gobaladda Waqooyi ee Kenya Maxamed Axmed Hurre 'Barwaani', ayaa ayaa BBC Somali u sheegay in ay haboontahay in Soomaaliya wixii walaac ay ka qabto heshiiska Gobaladda Waqooyi iyo Itoobiya ay kala hadasho Gobaladda Waqooyi.Waxa uu sheegay in wadahadalkii Soomaaliya iyo Itoobiya ee Turkigu aanu ahayn wadada saxda ee xaalada wax lagaga qaban karo, waxa uu xusay in Gobaladda Waqooyi ay tahay cida wax bixisay oo anay jirin sabab Itoobiya loola hadlaa."Waxaanu u aragnaa in xalka meel…

Itoobiya iyo Soomaaliya oo aan wax heshiis ah ku gaarin shirka uga furmay magaalada Ankara

 Talaado, Luulyo, 2, 2024 (AX) - Wajigii koowaad ee wada hadalada Soomaaliya iyo Ethiopia ayaa lagusoo gabagabeeyay magaalada Ankara ee dalka Turkiga, iyadoo aysan jirin qodobo heshiis looga gaaray khilaafka labada dal ee arrimaha badda.Wasiirka arrimaha dibadda ee dalka Itoobiya Taye Aske Selassie iyo dhiggiisa Soomaaliya, Axmed Macallin Fiqi, ayaa isku afgartay in ay mar kale kulmaan magaalada Ankara, si ay u yeeshaan wajiga labaad ee wadahadallo dhexdhexaadin ah oo uu Turkiga garwadeen ka yahay.Xogo laga helay shirka…

My Recent Adventurous Journey to the Enchanting Land of Northeastern State

By Mohamed TrunjiThursday June 27, 2024 After the chaotic 1991 Somali Civil War, Northeastern State carved out its autonomous niche in 1998. Distinct from North Western of Somalia, Northeastern State remains under the Federal State of Somalia's umbrella. The name "Northeastern State" harkens back to the ancient land of Punt, immortalized by Egyptian texts. A constitution steers the state with three pillars: executive, legislature, and judiciary. The heart of Northeastern State, Garowe, lies in Nogal region. This bustling…

Ardayda Laascaanood oo 15 sanno kadib aan ka qaybgalin imtaxaanka shahaadiga ah ee Gobaladda Waqooyi

Sabti,  Juun, 22, 2024 (AX) - 38 kun oo arday oo iskugu jira ardayda fasalada 8aad ee dugsiyada dhexe iyo fasalada 4aad ee dugsiyada sarre, ayaa saaka u fadhiistay imtaxaanka shahaadiga ah ee Gobaladda Waqooyi, ardayda reer Laascaanood ayaan imtaxaanka qayb ka ahayn.Sida uu baahiyay Muuqbaahiyaha Qaranka Soomaaliyeed ardayda magaalooyinka Laascaanood iyo Buuhoodle ayaa maanta u fadhiistay Imtixaanka shahaadiga ah ee ay qaadeyso dowladda federaalka Soomaaliya."1,154 arday oo wiilal iyo gabdho isugu jira ayaa Imtixaanka…

Xukumadda Fedaraalka oo Muqdisho ka mamnuucday Gaadiidka aan la heyn Taargada

 Talaado, Juun, 18, 2024 (AX) - Taliska ciidanka Booliiska qeybta guud ee gobolka Banaadir ayaa soo saaray amar looga mamnuucayo wadooyinka guud magaalada Muqdisho gaadiidka aan laheyn sumada aqoonsiga ama Taargada.War qoraal ah oo kasoo taliska Booliiska ayaa lagu sheegay in maanta wixii ka dambeeya wadooyinka gudaha magaalada Muqdisho iyo nawaaxigeeda inaan la ogolaan doonin iney isticmaalaan gaadiid aan laheyn Taarigada."Askarta Booliska Soomaaliyeed wuxuu ogaysiinayaan shacabka ku nool caasimadda iyo hareeraheeda laga…

Hogaamiye Xasan Sheikh: Wada hadal kaste oo aan la galno Alshabaab wuxuu abuuri karaa rajo cusub

 Axad, Juun, 16, 2024 (AX) - Hogaamiyaha dowladda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa mar kale ku celiyay in dowladdiisa ay diyaar u tahay inay wada hadal iyo wada xaajood la gasho kooxda  Al-shabaab.Hogaamiye Xasan Sheikh ayaa hadalkaan ka sheegay, dood lagu casuumay oo ka dhacday magaalada Oslo ee dalka Norwaay, wuxuuna sheegay, Alshabaab inay ka sugayan in ay diyaar u noqdaan wada xaajoodka dowladda. Inkastoo uu tilmaamay in wada hadalku uu qaadan karo waqti.“Waxaan aaminsannahay in dhammaadka cayaarta…

Qaali Guhaad “waxaan la noolahay walbahaar iyo cuduro aan ka qaaday cadaalad u raadinta gabadheydii”

 Isniin, Juun, 10, 2024 (AX) - Hooyada dhashay Ikraan Tahliil  Faarax ayaa mudo dheer kadib maanta markale si dareen leh uga hadashay kiiska gabadheeda oo ay sheegtay in sadax sano kadib wali Cadaalad ay u baahan tahay.Maamo Qaali Guhaad ayaa sido kale sheegtay in xaalado caafimaad daro ay lasoo gudboonaatay nolosheeda, islamarkaana ay ku dhaceen cuduro kala duwan oo halistooda leh."Wax ka qabsoomay weli ma jiraan, waa iska dhibanahay oo ma seexdo, sonkor iyo dhiigkar ayaa igu dhacay illaa haddana wax ii damqaday ma jirto.…

Waqooyi Bari oo beesha caalamka ka codsatay in taageeradeeda aan loo soo marsiin dowladda Federaalka

 Isniin, Juun, 10, 2024 (AX) - Waqooyi Bari ayaa codsi degdeg ah u dirtay Saaxiibada caalamiga ah ee taageera Soomaaliya, iyagoo u gudbisay codsi ku aaddan in si caddaalad ah loo qaybiyo taageerada bani'aadantinimo, midda Horumarinta iyo taageerada Miisaaniyadda Soomaaliya.Waqooyi Bari waxay walaac xooggan ka muujisay inay dowladda federaalka Soomaaliya siyaasadayn xooggan ku sameysay kaalmada deeq-bixiyayaasha caalamka, iyo in taageero miisaaniyadeed lasoo mariyo bangiyada Waqooyi Bari.“Waxaan u kuurgalnay isbeddelka…

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More