Browsing Category

Sports

Wararka Ciyaaraha | Sport. Firstly, your best sports source, From, the expert view you can trust.

Roma Oo Si Rasmi Ah Ugu Dhawaaqday Heshiiska Ay La Gaadhay

Kooxda kubadda cagta Roma ayaa si rasmi ah u dhamaystirtay saxeexa weeraryahanka Real Madrid ee Borja Mayoral oo ay heshiis laba sannadood oo amaah ah ku qaateen iyadoo sannadkiiba bixin doonta lacag dhan 2 milyan oo Euro.Real Madrid ayaa weeraryahankeedan heshiis cusub ka saxeexdan ka hor intii aanay amaahda ku dirin, waxaana qandaraaskiisii hore oo ku ekaa June 2021 uu ku daray laba sannadood oo kale, taas oo ka dhigan inuu Los Blancos ciyaartoygeeda kasii mid ahaan doono illaa June 2023 oo laba ka mid ah uu Roma amaah ugu…

Arsene Wenger Oo Daboolka Ka Qaaday Dalab Uu Ka Helay

Tababarihii hore ee Arsenal ee Arsene Wenger ayaa shaaciyey inuu dalab ka helay kooxda Manchester United oo doonaysay inuu u noqdo tababare, laakiin waxa uu diiday inuu waqtiga sheego.Arsene Wenger muddo 22 sannadood ah tababare usoo ahaa Arsenal ayaa sannadkii 2018kii ka tegay, waxaana uu illaa waqtigaas ahaa shaqo la’aan iyadoo lala xidhiidhiyey kooxo badan oo kuwa ugu waaweyn qaaradda Yurub ah.70 jirkan ayay si weyn garoomada ugu soo xafiiltameen ruug-caddaagii Man United ee Sir Alex Ferguson waqtiyadii ay kala…

Premier League Oo Shaaciyey Siddeed Ciyaartoy Oo Ku

Weeraryahanka Liverpool ee Sadio Mane ayaa ka mid noqday xiddigaha ku tartamaya abaal-marinta xiddiggii ugu wanaagsanaa bishii September horyaalka Premier League, sidaas oo kalena saaxiibkiisa ay isku kooxda yihiin ee Mohamed Salah, gool-dhaliyaha Arsenal ee Pierre-Emerick Aubameyang, garabka weerarka Man City ee Riyad Mahrez iyo shan ciyaartoy oo kale ayaa iyaguna ku tartamamaya abaal-marinta goolkii ugu quruxda badnaa bishii hore.Mane ayaa muujiyey bandhig indhaha soo jiitay bishii hore, waxaanu dhibaato usoo geystay…

Miyuu Frank Lampard Cuqad U Qaaday Xiddigii Ay Hadallada

Chelsea ayaa suuqa iibka ciyaartoyda xubin firfircoon kasii ahaan doonta illaa daqiiqadda ugu dambaysa ee uu xidhmayo maalinta Isniinta, waxaana la filayaa in kaliya uu furnaado albaabka ay ciyaartoydu ka baxayaan balse uu xidhnaan doono midka laga soo gelayo oo xilli hore ay soo dhamaysteen ciyaartoydii ay u baahnaayeen.Tababare Frank Lampard oo la hadlayay warbaahinta ka hor ciyaarta ay Crystal Palace ku martigelin doonaan duhurka berri oo Sabti ah ayaa waxa uu sheegay in hubanti la’aan safkiisa ah ay jirto oo ay suurtogal…

Liverpool Oo 23 Milyan Ugu Iibisay Xiddigeeda Mustaqbalka

Kooxda Liverpool ayaa xaqiijisay inay weeraryahanka Rhian Brewster ka iibiyeen kooxda Sheffield United oo ka ciyaarta isla horyaalka Premier League.20 jirkaan ayaa heshiis 23.5 milyan ginni ah uga tagay kooxda Liverpool ka dib markii uu fursad ka heli waayay tababare Jurgen Klopp.Laakiin Liverpool ayaa heshiiska ay ku iibiyaan da’ yarkaan waxay ku dareen qodob ah inay dib u soo iibsan karaa mustaqbalka taasoo muujineysa in Reds ay weli rajo ka qabto xiddigaan iyo tayadiisa.Liverpool waxay heysataa muddo seddex sannadood ah…

Koox Ingariis Ah Oo La Saxiixatay Daaficii Ugu Qaalisanaa Ee

Tababaraha kooxda Leicester City Brendan Rodgers ayaa sheegay inuu ku faraxsan yahay saxiixa Wesley Fofana oo 40 milyan euro uga soo iibsadeen kooxda Faransiiska ee St Etienne.19 jirkaan ayaa heshiis shan sannadood ah u saxiixa kooxda maanta oo Jimce ah isagoo tijaabada caafimaadka ku maray dalka Jarmalka, wuxuuna ku biirayaa Leicester ka hor kulankooda Premier League ee ay Axada la ciyaarayaan West Ham.Leicester City ayaa bixisay 35 milyan euro oo kaash ah iyo shan milyan euro oo ku xiran qaab ciyaareedka…

Arsenal & Atletico Oo Heshiis Ka Gaaray Saxiixa Xiddig

Kooxaha Atletico Madrid iyo Arsenal ayaa heshiis ka gaaray saxiixa Lucas Torreira iyadoo xiddiga khadka dhexe uu u wareegayo kooxda ka dhisan caasimada Spain.Heshiiska uu Torreira ugu wareegayo Atletico waa mid amaah ah oo dhamaanaya bisha Juun 2021 iyadoo Atletico Madrid khiyaar loo siiyay inay si joogta ah u la wareegto xagaaga danbe.Sida markii hore la filayay heshiiska waa laga bixiyay in Atletico ay qasab ku tahay inay iibsato xiddigaan xagaaga danbe, waxaana loo bedelay mid iyada khiyaar loo siinayo haddii ay wada…

Musiibo Ku Habsatay Real Madrid, Xiddigii Afaraad Oo Weyn Oo

War kale oo xun ayaa u soo yeeray Real Madrid iyadoo Dani Carvajal uu soo gaaray dhaawac halis ah oo garoomada ka saarayo muddo dheer.Daafaca midig ayaa baaritaano lagu sameeyay, waxaana lagu xaqiijiyay dhaawaciisa jilibka, iyadoo la filayo inuu garoomada ka maqnaado muddo labo bilood ah.“Ka dib baaritaano ay dhakhaatiirta Real Madrid ku sameeyeen Dani Carvajal, waxaa dhaawac xun uu ka soo gaaray jilibka midig, soo kabsashadiisa waa la qiimeyn doonaa” ayaa lagu yiri warbixin ay soo saartay Real Madrid.Waxay tani la micno…

Saxiix Cusub Oo Arsenal Ku Fashilmay Islamarkaana Kooxda

Arsenal ayaa lagu waramayaa inay wadahadalo lama filaan ah ugu jirto inay William Saliba amaah kale ku diraan xilli ay xiiseynayaan kooxda Faransiiska ee Rennes iyo kooxo Ingariis ah.Xiddiga Faransiiska ayaa loo arkayay inuu boos joogta ah ka helayo Emirates Stadium ka dib markii uu 28 milyan ginni uga soo wareegayo kooxda St Etienne laakiin waxa uu weli sugayaa inuu Gunners u safto kulankiisii ugu horeysay.19 jirkaan oo lala barbardhigay Virgil van Dijk ayaa la filayay inuu noqon doono wajiga cusub ee daafaca Arsenal isagoo…

Isku-aadka Europa League Oo La Shaaciyey – Kooxahee Ayey

Isku aadka wareegga hormooyinka tartanka Europa League ayaa lagu dhawaaqay, kaas oo ka kooban 12 group oo min afar kooxood ah. ooxda kubadda cagta Arsenal ayaa hoggaaminaysa Group B, waxaana ku wehelinaya Rapid Vienna, Molde iyo Dundalk, halka Tottenham oo ku jirta Group J, ay afka iska galeen Ludogorets iyo labada kooxood ee kale LASK iyo Royal Antwerp. Kooxda awoodda badan ee Napoli oo sannadkan aan nasiib u yeelanin inay ka qayb-gasho Champions League ayaa tartanka Europa League ku maraysa imtixaan adag iyaga oo…

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More