Iker Casillas Oo Sharaxaad Macquul Ah Ku Kala Saaray Messi
Halyeeyga kooxda Real Madrid iyo xulka qaranka Spain ee Iker Casillas ayaa sharaxaad faah-faahsan ka bixiyay kala duwanaanshaha Cristiano Ronaldo oo ay Madrid soo wada joogeen iyo ninka ay mudada dheer soo xifaaltamayeen ee Lionel Messi oo Barcelona ka tirsan.
Waraysi uu siinayay il-wareedka ESPN, goolhayaha halyeeyga ah ayaa ka hadlay waxyaabo badan sida wadne-xanuunkii haleelay sanadkii hore ee 2019 iyo waliba kala duwanaanshaha Messi iyo Ronaldo.
Casillas ayaa kubadda cagta ka hawl-gabay horraantii sanadkan kaddib markii uu waayo ciyaareed oo aad u guul ah lasoo qaatay Real Madrid, xulka Spain iyo FC Porto.
Wakhtigiisii Real Madrid ayay ahayd markii uu la kulmay ee uu waxbadan ka ogaaday shaqsiyada iyo hab-maskaxeedka Cristiano Ronaldo oo inta ugu badan caalamka lagaga doodo midka wanaagsan isaga iyo Messi.
Haatan Casillas oo aragtidiisa ka dhiibtay doodaas ayaa sheegay in Lionel Messi ciyaartiisa cajiibka ahi ay tahay hibo balse uu Cristiano Ronaldo qabtay shaqada uu ku noqday midka wanaagsan isagoo midka shaqada layaabka leh qabtay ku sifeeyay CR7.
Iker ayaa yidhi “Cristiano markasta waxa uu lahaa rabitaan weyn oo ah inuu noqdo midka ugu wanaagsan, ilaa markii uu wiilka yar ahaa waxaanan aaminsanahay inuu midaas gaadhay”
“Haddii aan isaga la bar-bardhigo Messi, waxa uu Cristiano qabtay ayaa in badan ka cajiibsan sababtoo ah dhammaanteen waynu ognahay hibada uu Messi leeyahay laakiin Cristiano waxa uu ahaa mid ay ka go’antahay si adag ayuuna u shaqeeyay si uu u noqdo midka ugu wanaagsan”
“Waxaan dareemayaa inaynu nasiib ku lahayn inaynu ku raaxaysano laba ciyaaryahan oo cajiib ah, dadka aan aqoon Cristiano waxa uu ula muuqan karaa mid isla weyn oo kibirsan laakiin isagu gabi ahaanba waa taas caksigeeda”