Koox Premier League Ka Dhisan Oo Sheegtey Inay Si Xor Ah Kula

Manchester City ayaa durbaba isku diyaarineysa inay xagaaga danbe si bilaash ah kula wareegto Lionel Messi sida uu shaaca ka qaaday mid ka mid ah madaxda kooxda Etihad ka dhisan.

City ayaa si xoogan loola xiriirinayay weeraryahanka Barcelona xagaagan markii uu shaaciyay inuu doonayo inuu isaga tago Camp Nou.

Laakiin labo isbuuc oo ay wadahadalo socdeen, Messi ayaa ugu danbeyn ka laabtay go’aankiisa isagoo ogolaaday inuu kooxda sii joogo sannadkii ugu danbeeyay qandaraaskiisa.

Haatanse, City ayaa qorsheyneysa inay si xor ah kula soo wareegtay xiddiga lagu tilmaamo midkii ugu fiicnaa dunida abid dhamaadka xilli ciyaareedkan.

Madaxa fulinta Manchester City Omar Berrada ayaa u sheegay wargeyska Manchester Evening News: “Waa xiddig leh tayo cajiib ah, waa shaqsi saameeyn weyn ku yeelan kara koox walba oo dunida ka dhisan haddii ay ahaan laheyd garoonka dhexdiisa iyo banaankiisaba.

“Waa xiddiga ugu fiican dunida, waa ciyaaryahanka ugu fiican jiilkiisa.

“Waxaan qabaa in koox walba oo dunida ka dhisan ay jeclaan laheyd inay ka fekerto suurtogalnimada uu kooxdooda ugu soo biiri karo.

“Xaqiiqda ah in laga hadlayay inuu doonayo inuu u ciyaaro City ayaa ku tusineysa horumarka ay kooxdaan sameysay sannadihii ugu danbeeyay, iyadoo xiddigaha ugu fiican jiilkiisa ay doonayaan inay halkaan yimaadaan oo ay inoo ciyaaraan.”

Omar Berrada ayaa sidoo kale sheegay in Manchester City ay heysato awooda dhaqaale ee ay ku maalgashan karto Lionel Messi islamarkaana ay sugayaan wax walba oo dhaca xagaaga danbe.

Messi ayaa noqon doona 34 sanno jir ka hor inta uusan dhicin qandaraaskiisa Barcelona, sidaasi darteed waxay City u jabin doontaa siyaasadooda suuqa kala iibsiga.

Laakiin gool iyo labo caawin uu sameeyay seddexdii kulan ee ugu horeysay ee xilli ciyaareedkan, shaki kuma jiro in xiddiga lixda jeer ku guuleystay Ballon d’Or uu wax weyn ku soo kordhin karo koox walba.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More