Luis Suarez Oo Shaaciyey Waxa Uu Samayn Doono Haddii Uu Gool
Weeraryahanka reer Uruguay ee Luis Suarez ayaa sheegay inuu tilmaan bixin doono haddii uu gool ka dhaliyo Barcelona marka ay iska hor yimaaddaan kooxdiisa hore iyo Atletico Madrid.
- Advertisement -
Laacibkan ayaa sii wada weerarka uu ku hayo maamulka sare ee Barcelona oo si aanu la dhacsanayn uga soo caydhiyey naadiga iyagoo burburiyey heshiiskiisa, waxaana loosoo dhex maray tababare Ronald Koeman oo u sheegay in aanu qorshihiisa ku jirin oo ay ciyaar la’aani ku dhacayso haddii uu sii joogo, waxaanay taasi keentay inuu Atletico Madrid ugu wareego 6 milyan oo Euro.
Isaga oo la hadlayay warbaahinta ESPN, waxa uu 33 jirkani sheegay in aanu ku faraxsanayn ka tegista Barcelona, laakiin ay dantu ku qasabtay oo aanu haysanin doorasho kale maadaama loo sheegay inuu albaabka ka baxo.
Marka ay iska hor yimaaddaan Barcelona iyo Atletico Madrid, waxa ugu weyn ee ay jamaahiirtu indhaha ku hayn doonaan ayaa waxay tahay Luis Suarez iyo bandhiggiisa, taas oo ay dheer tahay waxa uu samayn doono haddii uu gool dhaliyo.
Luis Suarez oo la weydiiyey haddii uu dabbaal-degi doono kulanka Barcelona haddii uu ka dhaliyo gool, waxa uu si cad u sheegay in aanu wax damaashaad ah samayn doonin, laakiin taas beddelkeeda uu farriin diri doono, waxaanu yidhi: “Haddii aan gool ka dhaliyo Barcelona, sidii wax waalan uma carari doono, laakiin waxa hubaal ah inaan wax tilmaami doono.”
Kulanka ugu horreeya ee Suarez uu ka hor tegi doono Barcelona waxa uu dhici doonaa bisha dambe ee November 22keeda, waxaanay kooxdiisa hore iman doontaa garoonka Wanda Metropolitano ee Atletico Madrid, halkaas oo ay markii ugu horreysay ku kulmi doonaan saaxiibbadiisii hore oo ay laba kooxood kala yihiin.