Marcus Rashford Iyo Aubameyang Oo Runta Ka Sheegay
Weeraryahanka reer Brazil ee Roberto Firmino ayaa qaab ciyaareed liita muujiyey kulankii Aston Villa ay sida xun ugu burburisay kooxdiisa ee ay 7-2 ku garaacday, waxaana uu luminayay kubbado meelo xaasaasi ah maraya oo uu baasas aan fiicnayn iyo laag aan waqtigiisa joogin uu samaynayay, laakiin kalidii kuma ahayn ee kooxda oo dhan ayaa sidaa iskaga burbursanayd.
- Advertisement -
Arrinta walaaca ku haysa Liverpool ayaa waxay tahay in Roberto Firmino aan bandhiggisii fiicnaa laga arag siddeed ama sagaalkii bilood ee uug dambeeyey oo uu ka hooseeyey heerkii ciyaareed ee looga bartay.
Waqtigii ciidda Masiixiga ee ay kooxdiisu la ciyaartay Wolves iyo Tottenham ee dhamaadka sannadkii hore, Firmino waxa uu ahaa laacib hawada maraya oo goolal dhaliyey, laakiin qaybtii dambe ee xili ciyaareedka oo laga soo gaadhayay bishii June, ma ahayn ciyaartoy bandhiggiisu fiican yahay, waxaanu u nuglaa dhalleecayynta sababtoo ah dhamaystir la’aantiisa.
Khabiirka ciyaaraha ee Josh Williams oo ka hadlay Firmino iyo heerka looga baahan yahay inuu gaadho ayaa waxa uu tilmaamay in laacibka weerakra ah laga doonayo inuu dhaliyo goolal, waxaanu yidhi: “Ciyaartoy No.9 ah waxa laga doonayaa inuu goolal dhaliyo, mana aha inuu dhexda yimaaddo oo uu ka ciyaaro, waana sida ay hadda u shaqayso kubadda casriga ah.”
Waxa uu Josh Williams soo qaatay Pierre-Emerick Aubameyang oo isagoo ka ciyaaraya garabka weerarka haddana goolal badan dhalinaya, sidaas oo kalena Marcus Rashford oo garabka bidix kasoo ciyaara, waxaanu yidhi: ‘Aubameyang ayaa ah khatarta ugu weyyn ee Arsenal, waxaanu ka ciyaaraa dhinaca bidix goolashana wuu dhamaysitrayaa. Marcus Rashford bidixda ayuu kasoo ciyaaraa, mararka qaarkoodna macne ayay samaynaysaa in hannaanka ciyaareed la beddelo.”
Mohamed Salah iyo Sadio Mane ayaa ah dhaliyeyaasha ugu waaweyn ee ay Liverpool haysato, waxaanu Josh Williams yidhi: “Mohamed Salah iyo Sadio Mane maaha weeraryahanno, laakiin waa isha ugu weyn ee goolasha, balse Firmino maaha.”