“Asensio Guriga Ayuu Joogaa Oo Fadhiga Ayuu Ku Daawanayaa

Tababaraha xulka qaranka Spain ee Luis Enrique ayaa qaab lama filaan ah uga faalooday xiddigiisa xulkaas iyo kooxda Real Madrid ee Marco Asensio oo uusan usoo xulan qaranka kulamadan caalamiga ah ee hadda socda.

Asensio ayaa xilli ciyaareedkan laba jeer u ciyaaray kooxdiisa Real Madrid halka uu laba kulan oo kale ku seegay barar jilibka ah balse qaabka uu macalinka Asturian-ka ahi uga hadlay xiddiga Mallorca kasoo jeeda ayaa u muuqata mid wax badan sheegaya.

Enrique oo wax laga weydiiyay Asensio ayaa u muuqday mid ka leex-leexanaya inuu toos uga hadlo ciyaaryahanka isaga oo si keddis ah u sheegay inay macquul tahay in ciyaaryahanku uu filim taxane ah gurigiisa ku daawanayo.

Enrique ayaa yidhi “Hagaag, anigu isaga ma arko sababtoo ah isagu halkan ma joogo, isaga horeba in badan ayaan wax ku saabsan uga hadlay laakiin kagama hadlayo isku diyaarinta kulankan”

“Ma jiro wax aan isaga ku haystaa laakiin maaha wakhtigii aan isaga ka hadli lahaa, waxa waajib ah inuu fadhiga ku dul daawanayo taxane Netflix, oo uu guriga ku raaxaysanayo, isagu ma ciyaarayo, aynu ka hadalno Switzerland”

Dhinaca kale tababare Enrique ayaa ka hadlay xiddigiisa Adama Traore kaas oo caan ku ah murqo waaweyn iyo jidh xoogan, Enrique ayaa xoojiyay hadalkii Traore hore u yidhi ee ahaa inuusan biro amaba wax kale oo culus qaadin balse ay hidde-sidihiisa tahay awoodiisa jidh ahaaneed.

“Isagu waa xaalad gaar ah, isagu kuma shaqeeyo waxyaabaha culus waa run, waa hide-sidihiisa, shaqadu waa mid halkaas ka jirta laakiin isagu waa ciyaaryahan xarfad leh xataa haddii uusan u muuqan iyo mid aad u qaan-gaadh ah”

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More