Afar maalmood kaddib kulankoodii horyaalka Premier League ee ciyaarta oo dhamaatay ay Manchester United heshay rikoodhaha uu VAR u go’aamiyey ayay mar kale Brighton garoonkeeda ku martigelinaysaa Red Devils, waxaana doorkan ay ku dagaallamayaan midkoodii u gudbi lahaa wareegga shanaad ee tartanka EFL Cup ama Carabao Cup, kaas oo ay hore iskaga sii xaadirisay Tottenham oo rikoodheyaal kusii garaacday Chelsea.Garoonka Amex Stadium ayaa mar kale hoy u noqonaya Brighton iyo Man United toddobaad gudihii, waxaase ay kooxda martida…