Waa Kuwan Ciyaaryahanadda Da’yarta Ah Ee Sannadkan 2020 Uu

Sannadka 2020 waxa uu ahaa mid adag oo ciyaaraha soo maray, waxaana saamayn weyn ku yeedhay dunida xanuunka Korona Fayraska oo dhaqaalaha hoos u dhigay.

Kubadda cagta ayuu si weyn u saameeyey xanuunkaasi, waxaana albaabada loo laabay guud ahaan ciyaaraha muddo afar bilood ku dhow, iyadoo markii la ogolaaday in ciyaaruhu dib u bilaabmaanna la mamnuucay taageereyaasha oo aan illaa hadda kusoo noqonin horyaallada waaweyn.

Arrimahani waxay saamayn ku yeesheen suuqa iibka ciyaartoyda ee xagaagii tegay oo sidii laga filayay ka hooseeyey, isla markaana kooxihii waaweynaa ee looga bartay inay saxeexyada qaaliga ah sameeyaan sannad kasta, ay markan kaga baxeen aamusnaan iyo inay iyagu noqdeen kuwo sii iibiya ciyaartoydooda.

Real Madrid iyo Barcelona ayaa tusaale u ahaa suuqa oo ka gaabsaday inay saxeexyo sameeyaan, halka Manchester United ay awoodi weyday inay hesho lacag ay ku iibsado Jadon Sancho oo bartilmaameedkeeda ahaa.

Inkasta oo Chelsea ay ahayd boqorrada suuqa ee xagaagii tegay, haddana sannadkan socda ee ay bilaha koobani ka hadhsan yihiin waxa uu korodh dhinaca suuqa ah ku keenay ciyaartoyda da’da yar oo qiimahoodu sare u kacay, halka kuwii waaweynaa ay hoos usoo dhaceen.

Lionel Messi ayaa markii ugu horreysay muddo siddeed sannadood ah, waxa uu qiimihiisu ka hoos maray 100 milyan oo Gini, sidaas oo kalena Cristiano Ronaldo ayaa hoos usii socday tan iyo markii uu tegay Juventus, taas oo ay sii caawinayso da’diisa sii weynaatay.

Shabakadda qiimaynta iyo xogta ciyaaraha ee Transfermarkt ayaa waxay shaacisay 27ka ciyaartoy ee da’yarta ah ee qiimahoodu sida weyn u kordhay.

Ciyaaryahannadan ayaa marka laga soo bilaabo January 1, 2020, waxay sameeyeen sare u kac waxaanay sababta ugu weyni tahay bandhiggooda ciyaareed ee sarreeyey oo ka caawinaya in qiimahooduna la kordho.

Akhriso 27ka ciyaartoy ee da’yarta ah ee qiime korodhku ku dhacay iyo qiimihii hore ee ay taagnaayeen:

Giovanni Reyna (£13.5m Kordhay)

Qiimaha Suuqa ee hadda: £13.5m

Marash Kumbulla (£13.5m Kordhay)

Qiimaha Suuqa ee hadda: £22.5m

Riqui Puig (£13.5m Kordhay)

Qiimaha Suuqa ee hadda: £22.5m

Jarrod Bowen (£13.5m Kordhay)

Qiimaha Suuqa ee hadda: £22.5m

Pau Torres (£13.5m Kordhay)

Qiimaha Suuqa ee hadda: £27m

Takefusa Kubo (£13.5m Kordhay)

Qiimaha Suuqa ee hadda: £27m

Mikel Merino (£13.5m Kordhay)

Qiimaha Suuqa ee hadda: £31.5m

Jules Kounde (£13.5m Kordhay)

Qiimaha Suuqa ee hadda: £36m

Dejan Kulusevski (£13.5m Kordhay)

Qiimaha Suuqa ee hadda: £36m

Edmond Tapsoba (£15.75m Kordhay)

Qiimaha Suuqa ee hadda: £19.8m

Gabriel Veron (£16.2m Kordhay)

Qiimaha Suuqa ee hadda: £22.5m

Unai Simon (£18m Kordhay)

Qiimaha Suuqa ee hadda: £27m

Marcos Llorente (£18m Kordhay)

Qiimaha Suuqa ee hadda: £36m

Theo Hernandez (£18m Kordhay)

Qiimaha Suuqa ee hadda: £40.5m

Federico Valverde (£18m Kordhay)

Qiimaha Suuqa ee hadda: £63m

Thibaut Courtois (£18m Kordhay)

Qiimaha Suuqa ee hadda: £67.5m

Trincao (£18m Kordhay)

Qiimaha Suuqa ee hadda: £27m

Bukayo Saka (£19.8m Kordhay)

Qiimaha Suuqa ee hadda: £31.5m

Alessandro Bastoni (£19.8m Kordhay)

Qiimaha Suuqa ee hadda: £40.5m

Jude Bellingham (£22.05m Kordhay)

Qiimaha Suuqa ee hadda: £24.3m

Mason Greenwood (£22.50m Kordhay)

Qiimaha Suuqa ee hadda: £40.5m

Renan Lodi (£22.50m Kordhay)

Qiimaha Suuqa ee hadda: £45m

Diego Carlos (£22.50m Kordhay)

Qiimaha Suuqa ee hadda: £45m

Lucas Ocampos (£22.50m Kordhay)

Qiimaha Suuqa ee hadda: £45m

Erling Haaland (£31.50m Kordhay)

Qiimaha Suuqa ee hadda: £72m

Ansu Fati (£36m Kordhay)

Qiimaha Suuqa ee hadda: £72m

Alphonso Davies (£49.50m Kordhay)

Qiimaha Suuqa ee hadda: £72m

 

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More