Marcus Rashford Oo La Gudoonsiinayo Abaalmarinta MBE Ee

Marcus Rashford ayaa shaaca ka qaaday inay sharaf u tahay inuu hooyadiis Melanie la kulansiiyo boqorada ka dib markii lagu abaalmariyay abaalmarinta MBE ee ay boqorada bixiso.

- Advertisement -

Xiddiga Manchester United iyo England oo 22 sanno jir ah ayaa abaalmarintaan la gudoonsiinayaan ka dib shaqadii fiicneyd ee uu ka qabtay in caruurta fuqarada ah ay cuno bilaash ah helaan mudada ay iskuulada fasaxa yihiin.

Rashford ayaa ku qasbay dowlada Ingariiska inay ka laabato go’aankii ay ku diiday inay quudiso 1.3 milyan caruurta ugu faqiirsan Britain mudada ay iskuulada fasaxa yihiin iyadoo qoysaska saboolka ah ay saameyn xun ku yeelatay Korona Fayras.

Haatan Rashford ayaa shaaca ka qaaday inuu hooyadiis u kaxeyn doono xaflada lagu gudoonsiinayo abaalmarinta MBE oo uu la kulansiin doono boqorada, madaama ay iyadu ku dhiirogelisay howsha uu qabanayo.

Xiddiga ku dhashay Manchester ayaa u sheegay barnaamijka BBC Breakfast: “Waan ogahay inay qasab tahay inaan hooyadeey hore u kaxeysto, wax kala doorasho ah ima aysan siinin.

“Ka dib waa inaan kala xusho wiilasha iyo gabdhaha ila dhashay – nasiib wacan ii soo rajeeya.

“Qariib ayay nagu yara tahay… dadka ka yimaada halka aan ka imid ma helaan waxyaabahaan oo kale, sidaasi darteed ma garaneyso sidii aan u dhaqmi laheyn.

“Qof walba ayaa ku faanaya abaalmarintaan”

Isagoo ka hadlayay abaalmarinta MBE ee ay boqorada bixiso, Rashford ayaa sheegay inay sharaf weyn u tahay islamarkaana uu u hibeyn doono hooyadiis.

banner

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More