Browsing Category
Sports
Wararka Ciyaaraha | Sport. Firstly, your best sports source, From, the expert view you can trust.
Barcelona Oo Qoomamo Ka Qabta Inay Lionel Messi Kahor
Sida uu sheegayo Xavier Sala-I-Martin oo ahaa shaqsi hore arrimaha dhaqaalaha ugu qaabilsan kooxda Barcelona, Barca ayaa dhibaato ku mudanaysa inay suuqii xagaagan joojiyeen kabtankooda Lionel Messi oo bixitaan doonayay.Xiddiga heer caalami ee xulka qaranka Argentina ayaa doonayay inuu iskaga tago Camp Nou isaga oo aad uga cadhaysnaa qaabka kooxda loo maamulo walow uu ugu dambayn ku negaaday.Messi ayaa si lama filaan ah madaxda sarre ee Barcelona uga codsaday inay iska fasaxaan wax yar kaddib markii ay natiijada 8-2 ah ee…
Daafaca 20-ka Kooxood Ee Premier League Oo La Qiimeeyay,
Horyaalka Premier League ayaa haysta qaar kamida weeraryahanada ugu wanaagsan guud ahaan dunida kubadda cagta waxaana kamid ah Mo Salah, Sergio Aguero, Pierre Emerick-Aubameyang iyo Harry Kane.Marka laga wada hadlayo weeraryahanada ee laga doodayo inta ay ugu caansan yihiin Ronaldo iyo Messi, waxa si sahlan lagu ilaawaa shaqada daafacyada fududeeya in xiddigaha kooxdoodu ay weerar qaadaan.Haatan iyadoo uu suuqa kala iibsigu xidhnaan doono ilaa bisha January, waa wakhtigii ku haboonaa ee la xusi lahaa afarta daafac ee ugu…
Muxuu Edinson Cavani Ka Yidhi In Manchester United Uu U
Edinson Cavani ayaa sheegay inay ka go’an tahay inuu qaato masuuliyadda shaadhka no.7 ee Manchester United ay u xidhay, kaas oo sannadihii ugu dambeeyey ay ciyaaryahannadii loo geliyey ku fashilmeen inay la yimaaddaan bandhigyadii laga filayya.Cavani ayay Manchester United si bilaash ah kula soo wareegtay maalintii ugu dambaysay ee suuqa iibka ciyaartoyda, waxaanu qalinka ku duugay heshiis 12 bilood ah iyo sannad kale oo dheereaad ah oo doorasho ahaan loo siiyey.Manchester United ayaa salaasadii shaacisay in Edinson Cavani…
Manchester United Oo Heshay Jawaabta Ismail Sarr Oo Ay Lasoo
Manchester United ayaa heshay jawaabta dalab ay ka gudbisay weeraryahanka reer Senegal ee Ismail Sarr oo sharcigu u ogolaanayo inay lasoo saxeexan karto inta ka horreysa October 16, iyadoo uu xidhan yahay suuqa iibka ciyaartoydu.Red Devils ayaa maalintii ugu dambaysay suuqa iibka ciyaartoyda waxay lasoo saxeexatay Edinson Cavani, Alex Telles iyo Amad Diallo, laakiin waxay wali kusii jirtay suuqa si ay sare ugu qaaddo awooddeeda.Tababare Ole Gunnar Solskjaer oo saddex saxeex oo kale oo maalintii ugu dambaysay uu isku dayay…
Harry Kane Oo Kulan La Yeeshay SADDEX Ciyaartoy Oo
Harry Kane ayaa kulan la qaatay saddex ciyaartoy oo uu siiyey digniin la xidhiidha dhaqan-xumo ay sameeyeen oo xulka qaranka England usoo jiidi karaysa in uu ka dhex dillaaco xanuunka Korona Fayras.Tammy Abraham, Ben Chilwell iyo Jadon Sancho ayaa la sheegay inay jabiyeen qawaaniinta loo dejiyey xakamaynta xanuunka Korona Fayras oo ay ka qayb-galeen xaflad xilli ay ka mid yihiin laacibiinta xulka qaranka England ee uu tababare Gareth Southgate u diyaarsanayo kulamada UEFA Nations League iyo saaxiibtinimo ee usbuuc-dhamaadkan…
“Kani Waa Geesiga Nolosha Dhabta Ah!” – Qisada Miskiinkii
Xiddiga Liverpool ee Mohamed Salah ayaa lagu tilmaamay inuu yahay ‘geesiga nolosha dhabta ah’ kaddib markii uu bixiyey lacag siiyey nin hoy la’aan ah oo ay aflagaadaynayeen koox dad ah oo kaliya fiqiirnimadiisa iyo tuugsigiisa ku caayayey.Bishii September ee dhowaanta dhamaatay, Mohamed Salah ayaa tegay kaalin shidaal oo ku taalla magaalada Liverpool oo uu baabuurkiisa Patrol kaga shubanayay, waxaanu arkay nin hoy la’aan ah oo magaciisa lagu sheegay David Craig oo ay aflagaaddooyin u geysanayaan koox dad ah.Salah ayay…
Kepa Arrabalaga oo Digniin Culus U Diray Goolhayaha Chelsea
Goolhayaha booskiisa luminaya ee Chelsea ee Kepa Arrizabalga ayaa ballan ku qaaday inuu dib u xoogsan doono booskiisii oo uu soo ceshan doono, xilli uu yimid Mendy oo durba la wareegay goolhayenimada koowaad ee kooxda.Kepa oo ay Blues £71 milyan oo Gini kagala soo wareegtay Athletico Bilabo sannadkii 2018kii ayaa waxa hore kaydka u geliyey Willy Caballero oo ka faa’iidaystay qaladaad badan oo uu sameeyey 25 jirka reer Spain, laakiin waxa mugdi sii geliyey imaatinka Edouard Mendy.Laacibka uu goolhayaha 39 jirka ahi kaydka…
Xiddigaha Waaweyn Ee Koox La’aanta Ah Ee Lala Saxeexan Karo
Isniintii ayaa uu xidhmay suuqa iibka ciyaartoydu, iyadoo ay kooxaha waaweyn si fiican uga adeegteen intii uu dhaqaaluhu u saamaxay, balse jirta fursad kale oo wali lagu heli karayo ciyaaryahanno wanaagsan oo waliba khibrad badan leh.Premier League ayaa kharash gareeyey lacag dhan £1.24 bilyan waxaanay hadda heli karayaan xiddigo waayo arag ah oo ay safafkooda kusii xoojiyaan iyadoo aanay kaga bixin lacag mushaharkooda ka baxsan.Labada ciyaartoy ee reer England ee Jack Wilshere iyo Danny Welbeck ayaa ka tegay West Ham United…
Horyaalka Premier League Oo Dhamaadkiisa La Saadaaliyey, Man
Saadaal cusub ayaa laga sameeyey horyaalka Premier League kaddib markii uu soo xidhmay suuqa iibka ciyaartoyda ee xagaagan, waxaana si gaar ah loo dul istaagay koox walba iyo halka ay kaga dhamaysan doonto horyaalka marka uu xili ciyaareedku soo xidhmi doono horraanta bisha May ee sannadka dambe.Manchester United oo la kulantay guul-darro 6-1 ah oo Tottenham u geysatay iyo Liverpool oo ay Aston Villa ku xasuuqday 7-2 ayaa indhaha soo jiitay, waxaanay labadan natiijo saamayn ku yeelan karayaan sida ay kooxahani noqon karayaan…
Shaxda Adag Ee Manchester United Ay Ku Ciyaari Doonto Kaddib
Edinson Cavani iyo Alex Telles ayaa kasoo muuqan kara kulanka ugu soo horreeya ee Manchester United ee horyaalka Premier oo ay la ballansan yihiin Newcastle United marka laga soo laabto toddobaadka fasaxa ay horyaalladu ku jiraan ee ciyaaraha caalamiga ah lagu maqan yahay.Ole Gunnar Solskjaer ayaa labadan ciyaartoy kusoo bilaabi kara safkiisa kulanka Magpies ee October 17 oo ay u halgami doonaan inay jidka guusha kusoo laabtaan kaddib burburkii 6-1 ahaa ee Tottenham ay Axaddii ugu geysatay isla garoonkooda Old…