Waa Kuwan 20ka Xiddig Ee Da’doodu Ka Hoosayso 20 Jirka Ee

Kylian Mbappe, Erling Haaland, Jadon Sancho, Vinicius Junior, Joao Felix iyo kuwo kale ayaa ah xiddigaha la filayo in sannadaha soo socda iska dhaxlaan, kuna tartamaan abaal-marinta xiddiga adduunka ee Ballon d’Or iyo midda FIFA ee The Best intaba, waxaana muddada ay iyagu hirdamayaan kasoo daba baxaya kuwo kale oo da’yar ah oo ay haddaba muuqato in ay la heer yihiin.

Dhamaan ciyaaryahannadani waxay dhasheen qarnigan 21aad ee kasoo bilaabmay 2000, waxaanay yihiin xiddigo saansaantoodu tahay mid sarraysa oo wax badan ay kooxahooda iyo waddamaduba ka rajaynayaan.

Wargeyska Marca ee kasoo baxa waddanka Spain ayaa waxa uu soo saaray liiska 20ka ciyaartoy ee ay da’doodu ka hoosayso 20 jirka ee ugu fiican dunida waqtigan, waxaana hormood u ah Alphonso Davies oo Bayern Munich kusoo baxay xilli ciyaareedkii tegay, isla markaana 19 sannadood oo kaliya jiray.

Laacibkan ayaa adhaxda ka jabiyey Barcelona kulankii ay Bayern Munich ku garaacday 8-2, waxaanu xakameeyey xiddigo uu hormood u ahaa Lionel Messi, halka uu ahaa burburiyaha dhinaca bidixda ee garoonka dhexdiisa ku ceebeeyey Nelson Semedo, Pique iyo kuwa kale.

43 kulan oo uu u saftay ayuu ku caddeeyey inuu yahay mid ka mid ah xiddigaha ugu wanaagsan.

Sergino Dest oo 19 jir ah oo Barcelona ay xagaagan lasoo wareegtay ayaa isaguna ku jira liiskan, sidoo kalena laacibiinta Real Madrid ee Rodrygo Goes, Tafefusa Kubo oo amaah ugu maqan Villarreal, Ansu Fati oo Barcelona ah Camaginga oo Rennes khadka dhexe uga ciyaara iyo weeraryahanka Manchester United ee Mason Greenwood ayaa isaguna ku jira.

Halkan kaga bogo 20ka ciyaartoy ee ugu fiican xiddigaha da’doodu ka hoosayso 20 jirka:

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More