Mbappe Iyo Griezmann Oo Wacdaro Ku dhigay Croatia, Portugal Oo Aan

Xulka qaranka France ayaa guul 2-1 ah oo ay aad ugu rafaadeen ka gaadhay Croatia oo ay ku wada jiraan  LEAGUE A GROUP 3 ee tartanka UEFA Nations League.

Gool qurux badan oo uu dhaliyey Antoine Griezmann ayaa Faransiiska u furay ciyaarta, waxaana ka daba yimid Nikola Vlasic oo kubbad uu soo naqshadeeyey Luka Modric ciyaarta kaga dhigay barbarro 1-1 ah ka hor intii aanu Kylian Mbappe weerar rogaal celis ah oo uu farsamadiisa lahaa Paul Pogba aanu guusha ugu hoggaamin xulka qarankiisa.

Faransiiska ayaa yeeshay 10 dhibcood laakiin waxa hoggaanka ka haya Portugal oo ay isku dhibco yihiin laakiin dhinaca goolasha ka badan, kuwaas oo iyagoo uu Cristiano Ronaldo ka xanuunsanayo awood u yeeshay inay 3-0 ku xasuuqaan Sweden.

Laba gool oo uu u dhaliyey weeraryahanka Liverpool ee Diogo Jota iyo midka furitaanka oo uu garabka Man City ee Bernardo Silva kasii horreysiiyey ayaa Portugal ugu filnaaday inay meel iska saaraan Sweden oo aan wax dhibco ah helin afartii ciyaarood ee ay dheeshay.

Shaxdii France vs Croatia

FRANCE (4-3-3): Hugo Lloris; Ferland Mendy, Raphael Varane, Clement Lenglet, Lucas Digne; Steven Nzonzi, Adrien Rabiot, Corentin Tolisso; Antoine Griezmann; Kylian Mbappe, Anthony Martial.

Kaydka: Mike Maignan, Eduardo Camavinga, Steve Mandanda, Lucas Hernandez, Olivier Giroud, Kurt Zouma, Benjamin Pavard, Kingsley Coman, Wissam Ben Yedder, Paul Pogba, Presnel Kimpembe, Houssem Aouar.

CROATIA (4-3-2-1): Dominik Livakovic; Filip Uremovic, Dejan Lovren, Domagoj Vida, Borna Barisic; Milan Badelj, Luka Modric; Ivan Perisic, Nikola Vlasic, Mario Pasalic; Petkovic.

Kaydka: Domagoj Bradaric, Andrej Kramaric, Josip Brekalo, Ante Budimir, Duje Caleta-Car, Simon Sluga, Marko Rog, Dario Melnjak, Mislav Orsic, Mateo Kovacic, Ivo Grbic, Antonio-Mirko Colak.

Didier Deschamps ayaa isbeddel ku sameeyey safkii uu ciyaartii ugu dambaysay kula dheelay Portugal, waxaanu kaydka u diray Pavard, Kimpembe, Hernandez, Kante, Pogba iyo Giroud oo dhamaantood kaydka soo fadhiyey, waxaanu ku beddelay Mendy, Lenglet, Digne, Nzonzi, Tolisso iyo Martial.

Antoine Griezmann oo jamaahiirta Barcelona tusinaya heerka ay taagan tahay kubaddiisu iyo in dhibaatada ka haysata Camp Nou aanay dhinaciisa ahayn ee ay wax kale jiraan ayaa kubbado qurux badan boos dhexda ah ka daadihineyey, iyadoo ay garbihiisa oo afka hore ahna ordayeen Kylian Mbappe iyo Anthony Martial oo marka ay xerada ganaaxa kula dhowaadaan isaga dib ugu soo celinayay.

Dhawr kubbadood oo ay si fiican u sameeyeen kaddib, Antoine Griezmann ayay siddeed daqiiqadood oo kaliya ku qaadatay inuu shabaqa Croatia dhex dhigo kubbad ilma-qabatay ah oo uu xerada ganaaxa dhexdeeda kaga ganay goolka uu waardiyaha ka ahaa Dominik Livakovic oo isaga oo aan is-dhaqaajin arkay kubadda oo dhex taalla shabaqiisa.

Croatia oo aan kasoo kabanin gaggabka goolka koowaad ayaa waxa mar kale shabaqooda argagax geliyey Kylian Mbappe iyo Anthony Martial oo sika kaashaday kubbad ay si fiican uga shaqeeyeen, taas oo Mbappe uu ku toogtay goolka xilli uu hore ugu socon karayay, waxaana ay u jirsatay inay goolka gasho cabbir yar oo aan waxba ahayn.

Daqiiqaddii 19aad ayay Faransiisku ku doodeen inay xaq u leeyihiin in rikoodhe loogu dhigo qalad uu sameeyey Vida oo xerada ganaaxa dhexdeeda dhulka ugu tuuray Martial, laakiin garsoorka ayaa u sheegay in ay ciyaartu socoto.

Croatia ayaa kaga jawaabay fursad cajiib ahayd oo ay ciyaartu ku barbarrayn gaadheen laakiin u baahnayd in Pasalic uu si ka duwan farsamadaas la yimaaddo.

Rikoodhe ayay daqiiqaddii xigtay ku dooday Croatia iyadoo uu Pekovic si xeeladaysan ku dhaafay labada ifaac oo Faransiis ah kaddibna ku dhacay xerada ganaaxa dhexdeeda laakiin garsooraha ayaan ku abaalmarinin rikoodhe u muuqday inay u qalmayeen.

Daqiiqaddii 64aad ayay Croatia ciyaarta ka dhigtay 1-1, waxaana kubbad uu kasoo shaqeeyey Luka Mocric ay lugta u gashay Brekalo oo xilli laga filayay inuu goolka tooganayo usii gudbiyey Vlasic oo isaguna shabaqa ku hubsaday.

Daqiiqaddii 79aad ayuu Kylian Mbappe goolka labaad u dhaliyey Faransiiska iyadoo kubbad uu meel fog kasoo tuuray Pogba oo beddel kusoo galay ay lugta u gashay Lucas Digne oo isaguna Mbappe u hordhigay goolka oo uu si fudud ugu leexiyey.

Ciyaarta ayaa kusoo dhamaatay 2-1 ay guushu ku raacday Faransiiska.

Natiijooyinka kulamadii kale ee UEFA Nations League:

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More