Koox SADDEXAAD Oo Soo Gashay Tartanka Kylian Mbappe,

Kooxda ree Talyaani ee Juventus ayaa lasoo warrinayaa inay tartanka da’yarka Paris Saint-Germain ee Kylian Mbappe soo gashay iyagoo la loolami doona kooxaha Liverpool iyo Real Madrid oo saxeexiisa muddooyinkii ugu dambeeyay lala xidhiidhinayay.’

Mbappe ayaa la filayaa inuu suuqa xagaaga ee sanadka dambe ee 2021 noqon doono mid ay kooxo badani saxeexiisa si ba’an ugu dagaallami doonaan.

Heshiiska Kylian ee Paris Saint-Germain ayaa ah mid ay kaliya laba sano ka hadheen waxaana la sheegayaa inuu go’aansaday inuusan gabi ahaanba wax heshiis kordhin ah samayn doonin.

Taas bedelkeeda Mbappe ayaa la xusayaa inuu madaxda sarre ee PSG u sheegay inay dhegaystaan dalabaadka isaga laga soo gudbinayo xagaaga dambe maadaama oo uu doonayo loolan iyo horyaal cusub.

Mbappe ayay xilli horeba daawadeen kooxaha Real Madrid iyo Liverpool iyagoo labaduba qiimaynaya suurogalnimada ay dalabaad kaga gudbin karaan saxeexiisa.

Mbappe ayaa loo arkaa inuu yahay ciyaaryahanka ugu qaalisan guud ahaan kubadda cagta wakhtigan iyadoo a xasuusto inuu sanadkii 2017 jabiyay rekoodhka da’yarka ugu qaalisan abid kaddib heshiis 160 Milyan oo Pound ah oo ay Paris ku qaadatay.

Haatana Mbappe ayaa noqon kara ciyaaryahanka ugu qaalisan abid xilli uu wargeyska Talyaaniga kasoo baxa ee Tuttosport sheegayo in Juventus ay qorshaynayso dalabkii ay ka gudbin lahayd.

Rekoodhka suuqa ee haatan ayaa ah 198 Milyan oo Pound (222 Milyan oo euro) oo Neymar ay PSG kula wareegtay 2017-kii balse Tuttosport ayaa sheegaya in Juve ay 361 Milyan oo Pound (400 Milyan oo euro) u diyaarsatay inay ku dalbato Mbappe.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More