Barcelona Oo Si Degdeg Ah U Hirgelinaysa Mushahar Dhimis 30%

Kooxda kubadda cagta Barcelona ayaa wada-hadallo degdeg ah la bilowday ciyaartoydeeda iyo dhamaan shaqaalaheeda, kuwaas oo ay ku samaynayso mushahar dhimis boqolkiiba 30 ah oo ay iskaga fudaydinayso culaysyada dhaqaale ee haysta.

Sida ay ku warrantay warbaahinta Cadena Ser, Barcelona ayaa wada-hadal la yeelanaysa ciyaartoyda kooxda koowaad iyo shaqaalaha caadiga ahba todobaadyada soo socda, waxaanay ka doonaysaa inay heshiis rasmi ah oo mushahar dhimis ah isla gaadhaan inta ka horreysa November 5 oo ah waqtiga kama dambaysta ah ee ay u qabatay inay ku hirgeliso qorshahan.

Warku wuxuu intaa ku daray in kooxdu ay rajaynayso in heshiis la gaadhi doono, laakiin haddii ay dhici weydana ay qaadi doonaan tallaabo qasab ah oo ay isbeddel ku samayn doonaan heshiisyada iyagoo fiirinaya fursadaha sharci ee ay heli karayaan.

Qaar ka mid ah ciyaartoyda waaweyn ayaa la sheegay in aanay kalsooni ku qabin qorshaha kooxda oo ay ka shakisan yihiin in sidii horeba u dhacday la khiyaameeyo oo mushaharkooda la  dhimo iyadoo ballanqaadyadana laga baxayo, waxaana xiddigahan ka mid ah kuwa ugu waaweyn kooxda.

Toddobaadkii hore ayay warar laga soo xigtay ciyaartoydu sheegeen inay ka fiirsanayaan in dhamaantood ay ka baxaan heshiisyada ay kooxda kula jiraan, gaar ahaan laacibiinta qandaraasyadoodu ku eg yihiin June 2021 oo uu ugu horreeyo Lionel Messi.

Barcelona ayaa ku dhex jirta dhibaato dhaqaale, waxaana sannadkii hore sida lagu caddeeyey warbixintii June 2019 kooxda lagu lahaa dayn lacageed oo dhamayd €217 milyan oo Euro, laakiin June 2020 ayey deyntaasi si weyn u korodhay, waxaanay gaadhay €488 milyan oo Euro.

Waqtigii uu jiray xanuunka Korona Fayras ka ayay kooxdu diiwaangelisay in khaase gaadhaya €97 milyan oo Euro uu soo gaadhay.

Mushahar dhimis ay ciyaartoydu hore ugu sameeyeen bishii April ayay kooxdu ka samaysay lacag dhan €80 milyan oo Euro oo u baaqatay, laakiin markii ay ciyaaruhu dib u bilaabmeen ayay ku qasbanaatay in ciyaartoy walba la siiyo mushaharkiisa oo dhamaystiran, taas oo xaaladda kooxda mar kale sii xumaysay.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More