Steven Gerrard Oo Daboolka Ka Qaaday Xiddig Uu Diiday In La

Halyeygii Liverpool ee Steven Gerrard ayaa daboolka ka qaaday laacib uu si weyn u doonayay tababarihii hore ee Reds ee Rafa Benitez inuu lasoo saxeexdo oo uu keeno Anfield sannadkii 2008 si uu u beddelo Xabi Alonso oo uga wareegay Real Madrid.

Rafa Benitez oo Liverpool tababare u ahaa intii u dhaxaysay 2004 illaa 2010 una qaaday hal Champions League oo uu sannadkii 2005 ku garaacay AC Milan iyo mar kale oo finalka ay yimaaddeen oo laga qaaday, ayaa waxa waqtigiisa lagu tiriyaa inuu ahaa mid guuleed.

Waqtigii uu tababaraha reer Spain macallinka ka ahaa Liverpool, waxa uu nasiib u helay inuu khadka dhexe ku wada haysto Steven Gerrard iyo Xabi Alonso oo ay wada qaadaan Champions League, inkasta oo aanay horumarkii loo baahnaa ka samaynin dhinaca horyaalka Premier League oo aanay kusoo dhowaanin.

Steven Gerrard oo rukun adag ka ahaa Anfield, wax badanna laga weydiin jiray ciyaartoyda imanaysa iyo hawlaha kale ee kooxda ayaa waxa sannadkii 2008 markii uu Xabi Alonso uga wareegay Real Madrid, waxa uu tababare Rafa Benitez ku qanciyey inuu joojiyey qorshe uu ku doonayay inuu lasoo saxeexdo xiddig kale oo beddelkiisa noqon lahaa.

Gareth Barry oo khadka dhexe uga ciyaarayey Aston Villa waqtigaas, waxa uu ahaa kubbad-habeeye iyo sidoo burburiye, waxaase uu Steven Gerrard rumaysnaa in aanu gaadhsiinayn heerkii ciyaareed ee Xabi Alonso, taas darteedna ay kaliya ku fiicnayd in labadooduba wada joogaan oo ay iska garab ciyaaraan.

Steven Gerrard oo ka hadlayey sidii uu Rafa Benitez uga joojiyey inuu lasoo saxeexdo Gareth Barry ayaa yidhi: “Waxa uu doonayay inuu lasoo saxeexdo Gareth si uu u beddelo Xabi oo tegayay. Aniga waxay iila muuqatay in aanay tallaabadii saxda ahayd ahayn inkasta oo aan taageere weyn u ahaa Gareth Barry. Anigu waxa aan ka jeclaan lahaa inay wada ciyaaraan Xabi sababtoo ah way wada shaqayn kari lahaayeen.

“Laakiin ilamay ahayn inuu yahay ciyaartoygii ku habboonaa ee ay Liverpool u dhaqaaqi lahayd si ay Xabi ugu beddesho. Jamaahiirtu waxay jeclaayeen Xabi, wuxuu ahaa ciyaartoy heer-caalami ah, aniguna waxaan isku dayay in Rafa uu wax walba u sameeyo Xabi si aanu u tegin, lana joojiyo saxeexa Gareth.”

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More