Kooxdee Soo Saartay Ciyaartoydii Ugu Wanaagsanaa Ee Ingiriis

Kulanka Merseyside derby ee Everton iyo Liverpool oo Sabtida dhacaya ayaa si weyn loo sugayaa, waxaana halgan adag uu dhex mari doonaa kooxda haysa hoggaanka horyaalka Premier League ee uu sida wanaagsan Carlo Ancelotti iyo Liverpool oo u dagaallamaysa sidii ay u difaacan lahayd horyaalka ay xili ciyaareedkii hore ku guuleysatay.

Sannado badan oo ay Liverpool gacan sarraysay kaddib, Everton ayaa dib usoo laba-kaclaysay, waxaanay awood u leedahay inay dabka ku shiddo loollankii magaalaysnaa ee dagaalkuna ku ladhnaa ee ay labadan kooxood dariiqyada isku eryan jireen.

Sabtida ayaa goob-joog loo ahaan doonaa kulankan xamaasadda badan, balse waxa indhuhu si gaar ah u hayn doonaan ciyaaryahannada kusoo barbaaray gudaha waddanka ee kooxahan u ciyaara, kuwaas oo saamayn badan ku yeelan doona go’aamin natiijada.

Everton ayay soo mareen laacibiin badan oo ay ka mid ahaayeen Ross Barkley, Jack O’Connel, Wayne Rooney, Tom Davies, Leighton Baines.

Liverpool ayaa dhinaceeda hal ciyaartoy oo fure ah soo saartay, waana Trent Alexander-Arnold oo qayb weyn kasoo qaatay guulihii sannadihii ugu dambeeyey ay gaadhaysay kooxdu.

92ka kooxood ee ay ka kooban yihiin naadiyada kubadda cagta England sida Premier League, Championship, League 1 iyo League 2 ayaa laga soo xulay 20ka naadi ee ciyaartoyda ugu muhiimsan soo saaray.

Halkan kaga bogo kooxaha iyo magacyada ciyaartoyda:

20 | Sheffield United

Ciyaaryahanadda furaha ah: Harry Maguire, Kyle Walker, Dominic Calvert-Lewin, Gary Cahill

20 | Sheffield United

Ciyaaryahanadda furaha ah: Harry Maguire, Kyle Walker, Dominic Calvert-Lewin, Gary Cahill

19 | Harrogate Town

Ciyaaryahanadda furaha ah: Ben Godfrey, Lewis Cook

18 | Coventry

Ciyaaryahanadda furaha ah: James Maddison, Callum Wilson, Ben Foster

17 | Everton

Ciyaaryahanadda furaha ah: Ross Barkley, Jack O’Connell, Wayne Rooney, Tom Davies, Leighton Baines

16 | Leeds

Ciyaaryahanadda furaha ah: Erling Haaland, James Milner, Kalvin Phillips, Aaron Lennon

15 | Charlton

Ciyaaryahanadda furaha ah: Chris Smalling, Bradley Dack, Jermain Defoe

14 | Birmingham

Ciyaaryahanadda furaha ah: Jack Grealish, Nathan Redmond, Demarai Gray, Troy Deeney, Daniel Sturridge

13 | AFC Wimbledon

Ciyaaryahanadda furaha ah: Will Hughes, Luke Shaw, Declan Rice

12 | Watford

Ciyaaryahanadda furaha ah: Harry Winks, Adam Lallana, Theo Walcott

11 | Liverpool

Ciyaaryahanadda furaha ah: Trent Alexander-Arnold

10 | Manchester United

Ciyaaryahanadda furaha ah: Marcus Rashford, Danny Drinkwater

9 | Chelsea

Ciyaaryahanadda furaha ah: Ademola Lookman, Callum Hudson-Odoi, Michail Antonio, Nathaniel Clyne

8 | Manchester City

Ciyaaryahanadda furaha ah: Phil Foden, James Tarkowski, Michael Keane, Danny Welbeck

7 | Arsenal

Ciyaaryahanadda furaha ah: Steven Alzate

6 | Tottenham

Ciyaaryahanadda furaha ah: Kyle Walker-Peters, Marcus Edwards, Reece Oxford, Angel Gomes

5 | Leyton Orient

Ciyaaryahanadda furaha ah: Harry Kane, Reece James, Joe Willock, Rhian Brewster

4 | Crystal Palace

Ciyaaryahanadda furaha ah: Aaron Wan-Bissaka, Jack Cork, Emile Smith Rowe

3 | West Ham

Ciyaaryahanadda furaha ah: Ainsley Maitland-Niles, Jonjo Shelvey, Andros Townsend, Mark Noble

2 | Newcastle

Ciyaaryahanadda furaha ah: Sean Longstaff, Paul Dummett, Andy Carroll, Adam Armstrong

1 | Millwall

Ciyaaryahanadda furaha ah: Joe Gomez, Jadon Sancho, Tammy Abraham, Ryan Loftus-Cheek, Reiss Nelson, Eddie Nketiah, Ryan Bertrand, Joe Aribo

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More