Dareenka Lionel Messi Iyo Xiddigaha Barcelona Ee Ronald

Walow uu kaliya saddex kulan soo hoggaamiyay ilaa haatan, xiddigaha kooxda Barcelona ayaa lagu soo warramayaa inay kalsooni ku dareemayaan tabagare Ronald Koeman una arkaan mid jihada saxda ah kooxda ku wada.

Tababaraha Dutch-ka ah ayaa maamulka Barcelona la wareegay kaddib markii ay kooxdu natiijo bahdilaad ah oo 8-2 ah kala soo kulantay dhigeeda Bayern Munich isaga oo ka caawiyay kooxda oo kala daadatay inay dib u midawdo.

Sida uu sheegayo wargeyska Sport, xiddigaha Barcelona ayaa ku faraxsan wada sheekaysiga furan ee uu Ronald Koeman lasoo yeeshay iyo waliba shaqadiisa xerada tababarka.

Koeman ayaa sidoo kale cajab geliyay kabtanka kooxdiisa ee Lionel Messi kaas oo qarka u fuulay inuu baxo suuqii xagaaga kaddib fadeexadii ay kaga hadheen UEFA Champions League.

Koeman ayaa dhawaan ka sheekeeyay inuu Messi ugu tagay gurigiisa kaddib markii uu sida cad usoo bandhigay dareenkiisa ah inuu baxayo.

Messi ayaa aaminsanaa inuu xor u ahaa inuu qaab bilaash ah kaga tago kooxda balse Barcelona iyo maamulka sarre ee horyaalka La Liga ayaa labaduba ku adkaystay in la bixiyo lacagta 700 Milyan ee euro ahayd ee heshiiskiisa ku xidhnayd haddiiba uu baxayo.

Barcelona ayaa laba kamida saddexda kulan ee ay horyaalka ka ciyaartay soo guuleysatay iyadoo kasoo adkaatay Villarreal iyo Celta Vigo kahor intii aysan bar-bardhac kala kulmin Sevilla.

Xiddigaha uu hormoodka u yahay tababare Koeman ayaa toddobaadkan booqanaysa dhigeeda Getafe kahor inta aysan kooxda Ferencvaros soo dhawayn ciyaar Champions League ah.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More