Denmark Oo Garoonka Wembley Ku Dhex Garaacday England, Harry
Xulka qaranka England ayaa kaalinta saddexaad ee League A Group B u degay kaddib markii ay guul-darro 1-0 ah kala kulmeen Denmark oo ugu timid garoonka Wembley.
Laacibka Inter Milan khadka dhexe uga ciyaara ee Christian Eriksen ayaa rikoodhe guusha ugu dhiibay waddankiisa Denmark, kaddib qalad uu sameeyey Walker iyo goolhaye Picford oo isfaham waa dhexdooda ka dhashay.
Kulankan oo qaybtii hore casaan lagaga saaray Harry Maguire oo laba qalad oo fool xumo ahaa oo mid waliba iskii ugu qalmayay casaan sameeyey ayaa kala dhantaalay qorshihii ciyaareed ee tababare Gareth Southgate.
Guul-darradan ayaa waxa ka faa’iidaysatay oo hoggaanka u qabatay Groupkan xulka qaranka Belgium oo afartii kulan ee uu ciyaaray ka urursaday siddeed dhibcood, halka ay kaalinta labaadna soo galeen Denmark oo toddoba dhibcood haysa laakiin dhinaca goolasha kaga horreeya England oo ay isku dhibco yihiin, halka kaalinta ugu dambaysana ay ku jiraan Iceland oo dhamaan kulamadeedii laga badiyey wax dhibco ahna aan lahayn.
Shaxdii labada xul
DENMARK (4-3-3): Kasper Schmeichel; Daniel Wass, Simon Kjaer (c), Andreas Christensen, Robert Skov; Thomas Delaney, Christian Eriksen, Pierre-Emile Hojbjerg; Yussuf Poulsen, Kasper Dolberg, Martin Braithwaite.
Kaydka: Joakim Maehle, Jonas Wind, Zanka, Mathias Jensen, Pione Sisto, Christian Gytkjaer, Philip Billing, Jesper Hansen, Jonas Lossl, Henrik Dalsgaard, Jannik Vestergaard.
ENGLAND (3-4-3): Jordan Pickford; Kyle Walker, Conor Coady, Harry Maguire; Reece James, Kalvin Phillips, Declan Rice, Ainsley Maitland-Niles; Mason Mount, Harry Kane (c), Marcus Rashford.
Kaydka: Dominic Calvert-Lewin, Bukayo Saka, Jadon Sancho, Dean Henderson, Tyrone Mings, Trent Alexander-Arnold, Nick Pope, Jordan Henderson, Danny Ings, Joseph Gomez, Jack Grealish, James Ward-Prowse.
England ayaa rajaynaysay inay markii labaad oo xidhiidh ah ka adkaato Denmark, sidoo kalena ay sii xoojisato rikoodhka layaabka leh ee ay ka haysato kulamadeeda gudaha UK ay ku ciyaarto oo 20 ka mid ah 21kii ciyaarood ee ugu dambeeyey ay guuleysatay, taas oo ay u dheerayd in in siddeeddii ciyaarood ee ugu dambeeyey ee ay Denmark la ciyaareen ay lix ka mid ah ka badiyeen.
Tababare Gareth Southgate ayaa shan isbeddel ku sameeyey safkii uu ku garaacay Belgium horraantii toddobaadkan, waxaanu keenay James iyo Maitland-Niles oo ciyaarahoodii ugu horreeyey u saftay qaranka England ee waaweynka halka uu Coady mar kale kusoo bilowday, iyadoo Phillips iyo kabtan Harry Kane ay safka hore kasoo muuqdeen.
Daqiiqaddii shanaad ee ciyaarta ayaa England lagu ciqaabay qalad xun oo uu sameeyey Harry Maguire oo jallaafo aan fiicnayn ku qabtay Poulsen taas oo keentay in la siiyo kaadh digniin ah.
Maguire ayaa labada lugood ba ku qabtay Poulsen, waxaana uu lahaa nasiib haddii aan casaan toos ah la siinin, taas oo ahayd midda uu u qalmayay.
Xulka qaranka Denmark oo ciyaartan u dhaarsanaa sidii ay iskaga reebi lahaayeen khasaaraha faraha badan ee ciyaaraha ay England ku waajahaan kasoo gaadha ayaa bandhig fiican sameeyey, waxaanay kubadda ka hagayeen khadka dhexe iyo garbaha, taas oo keentay inay marar badan sameeyaan kubbado halis ahaa.
Sidaas oo kale, England ayaa qaab xoogan ciyaarta ku bilaabantay laakiin dhibaatadooda ugu weyn ayaa ahayd inay si weyn iskugu hallaynayeen Harry Kane oo ay kubbadaha la doonanayeen inkasta oo ay garbihiisa joogeen Marcus Rashford iyo Mason Mount oo ahaa labadii ciyaartoy ee guusha uga soo qaaday Belgium.
CASAAN!!! Daqiiqaddii 31aad ee ciyaarta ayaa kaadh cas loo taagay difaaca xulka qaranka England ee Harry Maguire, kaddib markii uu helay kaadhkiisii labaad ee ciyaarta oo uu ku mutaystay qalad uu ku galay Dolberg. Garsooraha ayaan haysanin dookh kale oo aan ahayn inuu jeebadda gacanta geliyo.
Rikoodhe!!! Xulka qaranka Denmark ayaa loo dhigay rikoodhe ay ku heleen qalad uu Walker ku galay Delaney oo ku jiray xerada ganaaxa, waxaana loo dhigay rikoodhe uu gool u beddelay Christian Eriksen.
Qaybta hore ee ciyaarta ayaa kusoo dhamaatay 1-0 ay hoggaanka la nasteen Denmark oo hal ciyaartoy dheerayd England oo laga saaray Maguire.
Qaybtii labaad ayuu Gareth Southgate isku dayay inuu firfircoonaysiiyo afkiisa hore ee weerarka, waxaanu dibedda dhigay Marcus Rashford isaga oo soo geliyey laacibka shabaqa saaxiibka la noqday ee Calvert-Lewin iyo Jordan Henderson oo uu ku bedelay Rice, laakiin laacibka ka dhinaa ayaa waxay keentay in culaysku sii saarnaado England.
Daqiiqaddii 90aad ee dhamaadka ciyaarta ayay England ku dhowaatay inay goolka barbarraha ee ciyaarta la timaaddo, waxaana kubbad ay ka wada shaqeeyeen Harry Kane iyo Coady ay nasiib darradoodu ka badbaadisay goolka.
Ciyaarta ayaa kusoo dhamaatay 1-0 ay guushu ku raacday Denmark.
Dhinaca kale, labada xul ee kale ee kula jira Groupkan ee Belgium iyo Iceland oo iyaguna wada ciyaaray ayaa waxay guushu 2-1 ku raacday Belgium, iyadoo labada goolna uu u dhaliyey Romelu Lukaku.