Muxuu Reece James Ka Yidhi Casaankii La Siiyey Markii Ay

Difaaca xulka qaranka England ee  Reece James ayaa kaadh cas loo taagay markii ay dhamaatay ciyaartii xalay waddankiisa guul-darradu kasoo gaadhay ee ay Denmark kaga adkaatay goolka rikoodhaha ah ee uu dhaliyey Christian Eriksen.

England oo qaybtii hore kaadh cas lagaga saaray Harry Maguire oo laba qalad oo xunxun sameeyey ayaa waxay inta badan ciyaarta ku dheelaysay 10 ciyaartay, laakiin markii garoonka laga sii baxayay ayay noqdeen 9 laacib iyadoo casaan labaad uu bixiyey garsooraha kulanka.

Reece James oo cadhaysan ayaa garsooraha aflagaadooyin u geystay, isaga oo ka gadoodsanaa go’aamadii uu qaatay intii ay ciyaartu socotay, laakiin waxa lagu aamusiiyey kaadh cas oo isagana dibedda ka dhigi doona kulamada soo socda.

20 jirkan ayaa markii ay ciyaartu dhamaatay waxa uu si cad u sheegay inuu qaadanayo masuuliyadda ficilka uu sameeyey, waxaanu ku dooday inuu wax badan ka baran doono oo uu soo laaban doono isagoo sidii hore ka xooggan.

Isaga oo adeegsanaya bartiisa bulshada ee Instagram, waxa uu Reece James qoraal ku yidhi: “Ciyaartii caawu waxay ahayd mid wada xamaasad ah, damac iyo hammuun ah. Waxa aan ku faraxsanahay inaan kulan buuxa u saftayy xulka koowaad, kulan sidan oo kale tijaabo iigu ahaa.

“Waxa aan si buuxda u qaadanayaa masuuliyadda kaadhka cas ee kaddib dhamaadkii ciyaarta. Waqtiyada noocan oo kale ah waxay iga dhigayaan mid xooggan, waxa aan sii wadi doonaa in maalin ba maalinta xigta aan sii wado in aan 100% horumar u sameeyo.

“Waad ku mahadsan tihiin taageerada, waan idin jecelahay dhamaantiin.”

Gareth Southgate ayaa dhinaciisa ka hadlay dhacdadan, waxaanu ku tilmaamay mid aan loo dulqaadan karin, laakiin waxa uu haddana amaan u jeediyey Reece James oo uu tilmaamay inuu si fiican u ciyaaray.

“Casaanka la siiyey ciyaarta oo dhamaatay, maaha wax la aqbali karayo. Waxa se aan u malaynayaa in bandhiggiisii shaqsiga ahaa ee garoonka dhexdiisu uu ahaa mid cajiib ah marka uu kubadda hayo iyo mar kale ba. Saacadda badhkeedii ugu horreeyey, sidii ay isku kaashanayeen ee ay u wada shaqaynayeen Mason Mount, Kyle Walker iyo ciyaartoyda khadka dhexe dhab ahaantii waxay ahayd mid albaabo sare u furtay.”

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More