Boqolaal shaqaale barakacayaal ah oo ku sugan Baydhabo ayaa shaqo la’aan lagu khasbay kadib markii Al-Shabaab ay lacago cusub ku soo rogtay gaadiidka loo adeegsado qaadista ciidda, taasoo qoysaskii ka reebtay dakhliga ay ku tiirsanaayeen ee cuntada, biyaha iyo khidmadaha waxbarashada.
Jamaal Xasan Maxamed, oo masruufa qoys ka kooban 10 qof, ayaa sheegay in tan iyo bishii Luulyo uusan awoodin inuu qoyskiisa siiyo cunto ku filan. Waxa uu hore uga qodi jiray ciidda duleedka magaalada, dabadeedna u qaadi jiray mashaariicda dhismaha, balse wuxuu sheegay inuusan awoodin canshuurta cusub ee la soo rogay.
- Advertisement -
“Xaaladda nololeed ee na haysata aad bay u adag tahay,” ayuu yiri. “Dadka ku nool deegaannada ka baxsan magaalada ayaa shaqada mamnuucay, annagana waxaa nalagu qasbay inaan guryaha joogno. Markii hore waxaan lahayn ilo dakhli oo aan ku daboolno kharashaadka qoyskeenna, laakiin hadda shaqo la’aan ayaan nahay.”
Jamaal, oo 50 jir ah, wuxuu maalintii heli jiray inta u dhaxaysa $7 iyo $10, taasoo ku filnayd in qofka keliya ee qoyska soo saara uu bixiyo saddex waqti oo cunto ah maalintii. Hadda xitaa biyo heliddoodu way adag tahay. Xerada barakacayaasha ee Deg-umur, halkaas oo qoysku ku nool yahay, caag 20-litir ah wuxuu ku kacayaa $0.25. Maadaama uusan bixin karin, Jamaal iyo xaaskiisa waxay saacad u lugeeyaan ceel-gacmeed gaaban oo gaar loo leeyahay, halkaas oo ay ka codsadaan hal caag oo keliya.
“Waxaan cunto karin jirnay saddex jeer maalintii, laakiin hadda hal mar oo keliya ayaan karinnaa,” ayuu cabashadiisa ku sheegay. “Waxaan magaalada dhex wareegaa anigoo dadka kaalmo waydiisanaya, waxaan leeyahay walaal fadlan hal doollar i sii ama kiilo sonkor ah ama wax kasta oo aad awoodo.”
Jamaal ma awoodin inuu bixiyo $30 oo ahaa khidmadaha iskuulka iyo dugsi-Quraanka, taasoo sababtay in saddex carruurtiisa ka mid ah bishan laga saaro. Wuxuu ka cabsi qabaa mustaqbalkooda waxbarasho la’aanta, wuxuuna sheegay inuusan magaalada ka helin wax shaqo maalmeed ah.
Qoyskiisu waxay ka soo carareen Berdaale ee gobolka Bay sannadkii 2022, kadib markii dhowr xilli oo abaar isdaba joog ah ay baabi’iyeen beertoodii shan hektar ahayd.
Nuuradiin Macallin Aadan, oo ah nin kale oo qoda ciidda, ayaa wajahaya dhibaato la mid ah isaga oo isku dayaya inuu masruufo qoyskiisa ka kooban siddeed qof. Wuxuu dhex maraa xaafadaha u dhow isaga oo gargaar raadinaya, balse wuxuu helaa caawimaad yar, xitaa mararka qaarna waxaa lagu khasbay inuu biyo dawarsado.
Muddo afar sano ah, Nuuradiin wuxuu maalintii ka heli jiray $7 ilaa $10 iibinta ciidda. Ma leh xirfad kale oo uu shaqo ku heli karo. Qoysku waxay ku leeyihiin $35 oo ah lacag laba bilood ah oo aan la bixin oo ku waajibtay dugsi-Quraan iyo iskuul caadi ah, halka dukaan maxalli ahna uu joojiyay inuu cunto dayn ugu siiyo.
Nuuradiin wuxuu ku noolaa xerada barakacayaasha ee Doygaab muddo laba sano ah, wuxuuna sheegay inuusan waxba samayn karin aan ka ahayn sugitaanka iyo rajaynta in xaaladdu soo hagaagto.
“Waxa iigu walaaca badan waa sida aan u dabooli doono kharashaadka qoyskeenna oo aan nolosheenna u maareyn doono. Tan iyo markii aan shaqooyinkeennii weynay, daymo badan ayaa na fuulay, nolosha carruurteenuna aad bay u adkaatay. Waxaan mar walba Alle ka baryeynaa inuu noo sahlo inaan shaqo helno,” ayuu yiri. “Waxa noogu muhiimsan hadda waa in naloo oggolaado inaan shaqadeennii ku laabanno.”
Qaar ka mid ah milkiilayaasha gaadiidka ayaa isku dayay inay si qarsoodi ah u sii wadaan daadgureynta ciidda, laakiin Al-Shabaab ayaa joojisay dadaalladaas kadib markii ay qabsadeen saddex gaari. Gaadiidka la qabsaday ayaa sare u qaaday cabsida hawl-wadeennada kale ay ka qabaan badqabkooda iyo hantidooda.
Qoyska Nuuradiin waxaa laga soo barakiciyay Goof-gaduud Buurey, Baydhabo, sannadkii 2024, kadib markii abaar daran ay baabi’isay beertii afar hektar ahayd ee ay ku tiirsanaayeen.
Cabdinaasir Cabdi Cali, oo ah xubin ka tirsan guddiga gaadiidleyda ee matala shaqaalaha, ayaa u sheegay Radio Ergo in xayiraadahani si weyn u saameeyeen qoysas aan lahayn ilo kale oo dakhli ah.
“Waxaan hadda wajahnaa caqabado culus oo ka dhashay lacago xad-dhaaf ah oo nala dul dhigay, kuwaas oo aynaan awoodin inaan bixino. Hadda waxaa xitaa jira gaadiid ay Al-Shabaab haystaan sababo la xiriira lacagahan iyo arrimo kale oo la xidhiidha. Duruufahan awgood waxaan wajahaynaa dhibaatooyin aad u daran,” ayuu u sheegay Radio Ergo.
Cabdinaasir wuxuu sheegay in qoysas badan oo sabool ah oo barakacayaal ah ay ku noolaayeen qodista iyo qaadista ciidda. Sida uu sheegay, hawl-wadeennada waxaa lagu waajibinayay inay bixiyaan $200 gaari kasta bishii, kharashkaas oo aanay awoodin. Wuxuu ugu baaqay maamulka inay si degdeg ah uga jawaabaan cabashooyinka shaqaalaha.