Human Rights Watch (HRW) ayaa ugu baaqday Burkina Faso inay qaaddo tallaabooyin dheeraad ah oo lagu ilaalinayo bulshooyinka nugul, laguna baarayo xadgudubyada la sheegay, isla markaana si “caddaalad ah loo maxkamadeeyo” dadka mas’uulka ka ah, kaddib weerarro isdaba joog ah oo ay qaadday koox xiriir la leh Al-Qaacida, kuwaas oo sababay dhimashada tobannaan qof oo rayid ah.
HRW waxay sheegtay in dagaalyahanno ka tirsan Kooxda Taageerada Islaamka iyo Muslimiinta (JNIM) ay 1-dii Sebtembar weerareen goob laga qodo dahabka, halkaas oo ay ku dileen 24 qof. Afar maalmood kaddib, 5-tii Sebtembar, walax qarxa oo la rumeysan yahay in ay JNIM dhigtay ayaa haleeshay mooto, waxaana ku dhintay saddex qof oo rayid ah, oo uu ku jiray ilmo.
- Advertisement -
“Ciidamada JNIM waa inay si degdeg ah u joojiyaan weerarrada sharci-darrada ah ee ka dhanka ah rayidka, isla markaana si habboon loo ciqaabaa taliyeyaasha mas’uulka ka ah,” ayay tiri Ilaria Allegrozzi, oo ah cilmi-baare sare oo HRW u qaabilsan Saaxil. Waxay sidoo kale ugu baaqday mas’uuliyiinta Burkina Faso inay si degdeg ah u ballaariyaan hawlgallada miino-saarka, isla markaana gargaar dheeraad ah siiyaan dhibbanayaasha walxaha qarxa ee la farsameeyo.