Muqdisho (AX) — Mahamud Abdi Gaab oo ahaa aasaasihii iyo madaxweynihii ugu horreeyay ee maamulkii iskiis loogu dhawaaqay ee Hiiraan State ee la dhisay sanadkii 2010-kii, ayaa ku geeriyooday dalka Boqortooyada Midowday isaga oo jira 76 sano, sida ay Arbaco shaaciyeen qoyskiisa.
Marxuumka oo sanadkii 1950-kii ku dhashay degmada Jawiil ee gobolka Hiiraan ee Soomaaliya, ayaa tacliintiisa ku bilaabay barashada Qur’aanka kariimka ah ka hor inta uusan u wareegin Muqdisho, halkaas oo uu ku qaatay waxbarashadiisa dugsiyada hoose, dhexe iyo sare.
Waxa uu markii dambe waxbarasho heer jaamacadeed ah u aaday waddamada Boqortooyada Midowday iyo Netherlands, isaga oo qaatay shahaadada mastarka ee cilmiga injineernimada, gaar ahaan ku takhasusay dhismaha garoomada diyaaradaha.
Intii uu ku guda jiray waayihiisa shaqo, Gaab waxa uu wax weyn ka taray mashaariic waaweyn oo dhanka kaabayaasha ah, oo ay ka mid tahay dhismaha garoon diyaaradeed oo laga hirgeliyay magaalada Riyadh ee dalka Sacuudi Carabiya.
Ka hor inta uusan ku biirin saaxadda siyaasadda, waxa uu ahaa ganacsade leeh shirkad adeegyo kala duwan siin jirtay howlgalkii Qaramada Midoobay ee Soomaaliya (UNOSOM) intii lagu jiray sagaashamaadkii.
Gaab ayaa markii dambe qayb libaax ka qaatay dadaalladii maamul loogu yagleelayay Hiiraan, isaga oo 2010-kii aasaasay maamulkii Hiiraan State isla markaana noqday madaxweynihii ugu horreeyay ee xilkaas qabta.
Waxa uu juhdi ballaaran galiyay sidii maamulkaasi u heli lahaa ictiraaf buuxa, inkasta oo qorshahaasi uu wajahay caqabado dhanka siyaasadda iyo hay’adaha dowladda ah, taasoo keentay inuusan aqoonsi rasmi ah ka helin dowladdii dhexe ee Soomaaliya.
Dhaqdhaqaaqyadiisii siyaasadeed ayaa qayb ka ahaa dadaallo ballaaran oo ay hoggaamiyeyaashii deegaanka iyo qurba-joogtu ku doonayeen in nidaam maamul loogu sameeyo gobolka, xilli dalku uu ku jiray xaalad adag iyo xasillooni-darro daba-dheeraatay.
Gaab waxa kale oo aad loogu xusuustaa doorkii wax-ku-oolka ahaa ee uu ka qaatay howlaha gargaarka bini’aadantinimo iyo taakuleynta bulshada reer Hiiraan.
Kaddib colaadihii hubaysnaa ee dhacay sanadkii 1995-kii, waxa la xaqiijiyay inuu ugu deeqay $100,000 oo doollar dadka tabaaleysan ee gobolka, isagoo noqday shakhsiyaadkii ugu horreeyay ee kaalmo maaliyadeed oo intaa le’eg gaarsiiya bulshooyinkii dhibaatadu ka soo gaartay colaadaha.
Geeridiisu waxay soo afjartay noloshii shakhsi magac ku lahaa dadaalladii horseedka u ahaa maamul-u-sameynta Hiiraan iyo dib-u-dhiska bulshada ee xilliyadii adkaa ee ka dambeeyay burburkii Soomaaliya.
Qoyska marxuumka ayaan weli shaacin waxyaabaha sababay dhimashadiisa, sidoo kalena ma aysan faahfaahin qabanqaabada aaskiisa.