Mohamed Yusuf, oo ah aabbe reer leh oo shan carruur ah dhalay, ayaa weerar ba’an kala kulmay rakaab uu qaaday aroornimadii hore ee Sabtidii meel ka baxsan magaalada Minneapolis, sida ay xaqiijiyeen booliska iyo ehelkiisa.
Mohamed Yusuf, oo ah aabbaha shan carruur ah, ayaa la dhigay xarunta caafimaadka ee Hennepin County Medical Center ee Minneapolis, isagoo ku jiray xaalad kooma ah illaa Isniintii.Xigashada sawirka…GoFundMe
Saraakiisha booliska ee Minnesota ayaa Isniintii shaaciyay inay gacanta ku dhigeen eedeysane lala xiriirinayo weerarkii dhammaadkii toddobaadka sababay in darawal Soomaali ah oo u shaqeeya Uber uu galo xaalad halis ah, weerarkaas oo qoyska ninkaasi ay ku tilmaameen fal naceyb ku salaysan.
Dhibanaha oo ah Mohamed Yusuf ayaa qiyaastii 2:00 habeenbaxnimo ee Sabtidii qaaday rakaab ku sii jeeday Hopkins, Minn., oo ah xaafad u dhow Minneapolis, markaas oo ninkii saarnaa uu bilaabay inuu gacan-ka-hadal iyo rabshad kula kaco, sida ay tibaaxeen laamaha ammaanka iyo qoyska Yusuf.
Waxyar ka hor falka, ninka weerarka geystay ayaa weydiiyay magaciisa, markii uu ugu jawaabay in magaciisu yahay Mohamed, ninkii rakaabka ahaa ayaa la yimid hadallo muujinaya naceybka uu u qabo Muslimiinta, sida uu wareysi uu bixiyay Isniintii ku sheegay Osman Ahmed oo ah dumaashiga Yusuf.
“‘Ma jecli Mohamed,’” ayuu Mr. Ahmed sheegay in ninku ku yiri ehelkiisa. “‘Maba rabo magacaas.’”
Hadalladaas dhexmaray labada nin waxaa taleefanka kaga maqlayay xubin kale oo qoyska ka tirsan oo la hadleysay Mr. Yusuf xilliga uu falku dhacayay, iyadoo ninkii rakaabka ahaa uu gaarigii Mr. Yusuf u adeegsaday inuu isaga jiirsiiyo, sida uu caddeeyay Mr. Ahmed.
Talaadadii, laamaha garsoorka ayaa shaaciyay in Samit Apurva Patel, oo 25 jir ah kana soo jeeda Hopkins, lagu soo oogay dambiyo la xiriira isku-day dil heerka labaad ah iyo dhac gaari oo heerka koobaad ah. Sida ay sheegeen xeer-ilaaliyayaashu, boolisku waxay xuseen in Mr. Patel uu u muuqday mid sakhraansan, hadalladiisuna isku dhex-yaacsanaayeen oo uu aad u welwelsanaa weerarka kaddib.
Mr. Yusuf, oo da’diisu ay tahay kontomeeyo isla markaana ah xaasle leh shan carruur ah sida uu xusay Mr. Ahmed, ayaa lagu daweynayaa Hennepin County Medical Center ee Minneapolis, isagoo ku jiray kooma illaa galabnimadii Isniinta, sida ehelkiisu xaqiijiyeen iyagoo mas’uuliyiinta ugu baaqay in dhacdadan loo qaado fal naceyb ah. Faahfaahinta la xiriirta weerarkan ayaa dhammaadkii toddobaadka ku soo baxday The Somali Brief, oo ah warbaahin tebisa arrimaha bulshada Soomaalida-Mareykanka ah.
“Baareyaashu waxay si qoto dheer u dhexgalayaan dhammaan caddaymaha la hayo waxayna eegayaan wax kasta oo sababay weerarka, oo ay ku jirto haddii eex ama naceyb door ku lahaayeen falkan,” ayuu war-saxaafadeed ku sheegay Brent Johnson, oo ah taliyaha Hopkins Police Department. “Mas’uuliyaddeennu waa inaan raacno caddaymaha, xaqiijinno runta, oo aan hubinno in dacwad kasta oo dambiyeed ay ku salaysan tahay baaritaan dhab ah.”
Qoraal ay soo saartay Isniintii, Mary Moriarty, oo ah xeer-ilaaliyaha la doortay ee Hennepin County, ayaa sheegtay in baarayaashu ay ururinayaan caddeymaha ku saabsan waxa horseeday falkan.
“Gobolka Minnesota, waxa badanaa loo yaqaanno ‘dambiyada naceybka’ waxaa loogu yeeraa ‘dambiyo ku salaysan eex,’” ayay tiri Ms. Moriarty. “Xeer-ilaaliyayaasha waxaa laga rabaa inay shaki la’aan ku caddeeyaan in falka dambiyeedku uu ka dhashay eex ama takoor.”
Mas’uul u hadlay shirkadda Uber ayaa Isniintii sheegay in shirkadda gaadiidka ay si buuxda ula shaqeynayso baareyaasha falka, ayna garab istaag u muujiyeen qoyska Mr. Yusuf.
“Waxaan la yaabnay oo aad nooga naxriyay faahfaahinta weerarkan arxan-darrada ah,” ayuu yiri afhayeenka shirkaddu. “Waxaan xannibnay rakaabkii falka geystay si uusan mar dambe u isticmaalin Uber, waxaana la qaybsanaynaa tiiraanyada darawalka iyo ehelkiisa inta aan booliska ku caawinayno baaritaankooda.”
Mr. Yusuf oo ku dhashay Soomaaliya, ayaa qoyskiisu waxay dhowaanahan ka soo guureen Rochester, Minn., iyagoo u soo wareegay Blaine, Minn., oo qiyaastii 17 mayl dhanka waqooyi kaga beegan Minneapolis, sida uu sheegay Mr. Ahmed oo intaas ku daray in dumaashigii uu shaqo buuxda ka hayay gaadiidka Uber.
Gobolka Minnesota waxaa ku yaalla jaaliyadda ugu weyn ee Soomaalida ee ku nool dalka Mareykanka, iyadoo dadka Soomaaliyeed ay billaabeen inay gobolkaas u guuraan tiro ahaan bartamihii sagaashameeyadii markii uu dagaalkii sokeeye ka dillaacay dalka ku yaalla Geeska Afrika.
Bulshadaas ayaa marar badan bartilmaameed u noqotay hadallo iyo ficillo cadowtinimo leh oo kaga yimid xubno ka tirsan Xisbiga Jamhuuriga, oo ay ka mid yihiin Madaxweyne Trump iyo Wakiil Tom Emmer, oo ah Jamhuuri laga soo doorto Minnesota isla markaana ah hoggaanka aqlabiyadda Aqalka Wakiillada iyo mid ka mid ah madaxda sare ee xisbigiisa.
Intii uu bishan ka qaybgalayay barnaamijka podcaast-ka ah ee uu daadihinayay weriyaha garabka midig Benny Johnson, ayuu Mr. Emmer ku dooday in imaatinka Soomaalida uu rabshado iyo gacan-ka-hadal u horseeday Minnesota.
“Runtii, waxaad mooddaa in dagaalkii sokeeye ee Soomaaliya uu toos ugu soo wareegay gobolka Minnesota,” ayuu yiri Mr. Emmer.
Isla podcaast-kaas dhexdiisa, Mr. Emmer wuxuu weerar afka ah ku qaaday Wakiil Ilhan Omar, oo ah Dimuqraaddi laga soo doorto Minnesota, taas oo sanadkii 2018 noqotay qofkii ugu horreeyay ee Soomaali-Mareykan ah ee loo doorto Congress-ka, isla markaana maamulkii Trump uu baaritaanno ballaaran ku sameeyay taariikhdeeda socdaalka iyo arrimaheeda maaliyadeed.
“Waxay horay u sheegtay inay halkaan u joogto inay matasho Soomaaliya,” ayuu yiri Mr. Emmer. “Haddaba, maxay dib ugu noqon weyday Soomaaliya?”
Afhayeen u hadashay Mr. Emmer ayaan ka jawaabin codsi faallo bixin ah oo loo diray Isniintii.
Qoraal ay Axaddii soo dhigtay baraha bulshada, ayay Ms. Omar si adag ugu cambaareysay weerarkaas, iyadoo xustay in jawiga siyaasadeed uu qeyb weyn ka qaatay xaaladdan.
“Sharaf-dhaaca iyo faquuqa joogtada ah ee lagu hayo bulshada Soomaaliyeed waxay leeyihiin cawaaqib dhab ah oo muuqda,” ayay Ms. Omar ku qortay barta X. “Waa inaan si aan gabbasho lahayn u cambaaraynaa rabshaddan, waana inaan diidnaa nacaybka kala qeybinaya bulshooyinkeenna.”
Meel ka baxsan isbitaalka lagula tacaalayo Mr. Yusuf, koox ka tirsan bulshada Soomaalida-Mareykanka ah ayaa isugu timid Isniintii si ay dareen xooggan ugu muujiyaan weerarkaas. Waxaa dadkii goobta joogay ka mid ahayd Zaynab Mohamed, oo ah senatar gobol laga soo doorto Minneapolis kuna dhalatay Soomaaliya.
“Su’aal yar oo kooban ayaan u qabaa dadka Soomaaliyeed ee halkan jooga: Immisa qof oo idinka mid ah ayaa magacooda ku wata Mohamed ama ehelkooda uu ku jiraa qof la yiraahdo Mohamed?” ayay tiri. “Ku dhawaad qof kasta. Sabab gaar ah ayayna leedahay.”