Browsing Tag

oo

Raysal Wasaare Xamse oo maanta u ambabaxay dalka Kuuriyada Koonfureed

Axad, Juun, 2, 2024 (AX) - Raysal wasaaraha Xukuumadda Fedaraalka Soomaaliya Xamse Cabdi Barre iyo wafdi uu hoggaaminaayo ayaa maanta u ambabaxay magaalada Seol ee dalka Kuuriyada Koonfureed, halkaas oo ay kaga qeyb galayaan shir madaxeedka Jamhuuriyadda Kuuriya iyo Afrika.Afhayeenka Xukuumadda Soomaaliya Farxaan Maxamed Jimcaale ayaa sheegay in shirkaan uu socon doona 4-ta ilaa 5 bishaan Juun, islamarkaana diiradda lagu saarayo sidii loo xoojin lagaa xiriirka u dhaxeeya dalalka Afrika iyo Jamhuuriyadda Kuuriya.Shirkaan…

Koonfur Galbeed oo ka hortimid qorshaha ciidanka Itoobiya looga saarayo dalka

Axad, Juun, 2, 2024 (AX) - Dowlad goboleedka Koonfur Galbeed ayaa ka hor yimid qorshe ciidamada Itoobiya dalka looga saarayo dhammaadka sanadkan, sida uu horey u sheegay la taliyaha amniga qaranka, Xuseen Sheikh Cali.Qoraal lagu daabacay barta X ee wasaaradda amniga ee maamulka Koonfur Galbeed, ayaa lagu sheegay, in maamulka Koonfur Galbeed uu la socdo shakhsiyaad marin habaabin ku haya shaqada ciidamada Itoobiya ay ka hayaan degaanada maamulkaas uu ka taliyo.“Ciidamadda Itoobiya ee ATMIS waxay hayaan howl adag, waxa aanan…

Mareykanka oo ku dadaalaya sii wadida Xafiiska Siyaasadda Qaramada Midoobay ee Soomaaliya

 Axad, Juun, 2, 2024 (AX) - Mareykanka ayaa u ololeynaya sii wadida xafiiska siyaasadda Qaramada Midoobay ee Soomaaliya, sida lagu sheegay hadal ka soo baxay wasaaradda arrimaha dibadda ee Mareykanka, ka dib wadahadal dhexmaray xoghayaha arrimaha dibadda Antony Blinken iyo madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud.Afhayeenka Waaxda Arrimaha Dibadda Mareykanka ayaa sheegay in Blinken iyo madaxweyne Xasan Sheikh ka wada hadleen "sii wadista" howlgalka Qaramada Midoobay intii uu socday kulankooda, isagoo soo jeediyay in…

Guddoomiye ku xigeenkii arrimaha bulshada deegaanka Lafoole oo lagu dilay Muqdisho

Axad, Juun, 2, 2024 (AX) - Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya dil Xalay loogu geystay gudaha magaalada Muqdisho guddoomiye ku xigeenkii arrimaha bulshada deegaanka Lafoole ee duuleedka Muqdisho Mukhtaar Nuur Geesey.Allah u naxariiste dilka marxumka ayaa waxaa geystay rag bastoolado ku hubeysnaa oo ku dilay meel aanan ka fogeyn gurigiisa oo ku yaala degmada Dharkeenley ee magaalada Muqdisho.Dableyda fulisay dilka Mukhtaar Nuur ayaa si deg deg ah uga baxsatay goobta, waxaana meydka marxuumka la geeyay xarunta C.I.D, halkaas…

Taliska ciidanka xoogga dalka oo shaaciyay waqti lasoo afjarayo dagaalka Al-shabaab

 Axad, Juun, 2, 2024 (AX) - Taliye ku xigeenka ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed Jeneraal Maadeey Sheekh Nuur ayaa sheegay in bishaan Juun ay soo afjari doonaan howlgalada ka dhanka ah kooxda Al-shabaab ee ka socda gobolada dalka.Jeneraal Maadeey ayaa sidoo kale sheegay in ciidanka xoogga ay guulo la taaban karo kasoo hoyeen dagaaladii ay la galeen kooxda, isagoona goob fagaare ah ka balan qaaday in waqti kooban kusoo gabageynayaan dagaalka Al-shabaab.Taliye ku xigeenka ciidanka xoogga dalka ayaa tlmaamay in dhamaan…

Xukumadda Federaalka Soomaaliya oo ka hadashay duqayn ka dhacday gobolka Bari ee Waqooyi Bari

 Axad, Juun, 2, 2024 (AX) - Xukumadda Federaalka Soomaaliya ayaa ka hadashay duqayn ciidamada Maraykanka ay ka geysteen degaan katirsan dhulka buuralayda gobolka Bari ee Waqooyi Bari, kaasoo lagu bartilmaameedsaday xarumaha Daacish.Wasiir ku xigeenka warfaafinta Soomaaliya, Cabdiraxmaan Yuusuf Alcaddaala oo la hadlay VOA Soomaali, ayaa u sheegay in weerarkaan uu daba socday weerar todobaad ka hor laga fuliyay degaanada Calmadow ee gobolka Bari.Wasiir ku xigeenka ayaa sheegay, in weerarkan lagu burburiyay xero ay tuulada…

NISA oo shaacisay iney gacanta ku dhigtay ganacsato macaamil la sameeyay Al-shabaab

Sabti, Juun, 1, 2024 (AX) - Ciidamada Hay’adda Nabadsugidda iyo Sirdoonka Qaranka Soomaaliya ayaa maanta gacanta kusoo dhigay shaqsiyaad la sheegay in macaamil la sameeyeen kooxda Al-shabaab. War qoraal ah oo kasoo baxay NISA ayaa lagu sheegay in hay'adda soo qabatay xubno ganacsato ah oo si dhuumaaleysi ah lacago baad ah usoo weydiisay kooxda Al-shabaab, islamarkaana wali ciidanka ay ku raad joogaan xubno kale oo ganacsato ah.Hay’adda NISA ma shaacin magacyada iyo tirada ganacsatada macaamilka la sameysay kooxda…

Taliyahii Booliiska degmada Bardaale oo ku geeriyooday dagaal maanta ka dhacay degmadaas

Sabti, Juun, 1, 2024 (AX) - Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya khasaaraha ka dhashay dagaal xoogan oo barqanimadii maanta ku dhexmaray gudaha degmada Bardaale ciidamada Daraawiishta maamulka Koonfur Galbeed iyo maleeshiyo beeleed hubeysan.Wararka soo baxaya ayaa sheegaya in Taliyihii Saldhigga Booliiska degmada Bardaale ee gobolka Baay Cali Boorow iyo saraakiil kale oo ka tirsan ciidanka Daraawiishta Koonfur Galbeed iney ku geeriyoodeen dagaalkii maanta ka dhacay gudaha degmadaas.Dagaalka ayaa bilaawday kadib markii…

Afhayeenka Booliiska: Kantarool kasta oo kuyaala magaalada Muqdisho waxaa la dhigayaa Eey qaraxyada baara

Sabti, Juun, 1, 2024 (AX) - Afhayeenka ciidanka Booliiska Soomaaliya, Cabdifitaax Aadan Xasan, ayaa sheegay, in kantaroolada magaalada Muqdisho la dhigidoono Eeyo, si ay uga qeyb qaataan sugidda amniga iyo ka hortagga waxyaabaha qaraxa. Afhayeenka ciidanka Booliiska ayaa sheegay, in Eeyuhu aysan wax dhibaato ah u geysan doonin dadka shacabka ah, isagoo tilmaamay inay ka qeyb qaadan doonaan sugidda ammaankooda. Wuxuu sheegay, dadka Soomaaliyeed inay Eeyuhu u adeegsadaan inay  u ilaaliyaan beeraha iyo guryahooda, si aanay…

Faahfaahino kasoo baxay dagaal culus oo maanta ka dhacay degmada Bardaale

 Sabti, Jun, 1, 2024 (AX) - Wararka naga soo gaaraya degmada Bardaale ee gobolka Baay ayaa sheegaya in maanta uu halkaas ka dhacay dagaal xoogan oo u dhaxeeyay ciidanka Daraawiishta maamulka Koonfur Galbeed iyo ciidamo maleeshiyo beeleed ah.Dagaalka ayaa yimid kadib markii ciidanka maleeshiyo beeleedka ah ay weerar xoogan ku qaadeen fariisimo gudaha magaaladaasi ay ku leeyihiin ciidamada Daraawiishta maamulka Koonfur Galbeed.Dad ku sugan gudaha degmada Bardaale ayaa warbaahinta u sheegay in dagaalka uu ahaa mid aad u…

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More