Browsing Tag

oo

Xukumadda Fedaraalka oo ka digtay khataro kusoo fool leh xeebaha Soomaaliya

 Arbaco, May, 29, 2024 (AX) - Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Dekadaha iyo Gaadiidka Badda Xukuumadda Soomaalya Saadaam Maxamuud Cabdi oo goordhaw shirjaraa'id ku qabtay magaalada Muqdisho ayaa shaaca ka qaaday khataro kusoo fool leh xeebaha badweynta Hindiya.Wasiir Saadaam ayaa sheegay in la gaaray waqtiga bad xiranka, islamarkaana maanta wixii ka dambeeya ay xiran tahay galista bada ilaa laga gaaro bisha sagaalaad ee sanadkaan."Waxaa la gaaray xiliga bad xiranka waxaa loo baahan yahay in laga digtoonaado galista badda,…

Hogaamiyaha Kenya oo diiday in dalkisa laga mamnuuco isticmaalka iyo cunista Qaadka

 Arbaco, May, 29, 2024 (AX) - Hogaamiyaha dalka Kenya, William Ruto ayaa ka laabtay go'aan lagu mamnuucayo Qaadka Miirowoga, ka dib markii la ogaaday inuu halis ku yahay caafimaadka dhimirka. sidoo kalena uu qeyb ka yahay kororka dhibaatooyinka bulshada, oo ay ku jiraan dembiyada.Saddex guddoomiye gobol oo ka soo jeeda gobolka xeebta ayaa mamnuucay iibinta iyo isticmaalka Qaadka todobaadkii hore, taas oo caro ka dhalisay deegaannada uu ka soo go’o dalagyadiisa.Hogaamiye Ruto ayaa Isniintii sheegay in dalagga Qaadka uu…

Maraykanka oo iska fogeeyay weerar duqayn ah oo ka dhacay buuraha Calmadow

 Arbaco, May, 29, 2024 (AX) - Xukumadda Maraykanka ayaa sheegtay in aysan ku lug lahayn weerar duqayn ah oo ka dhacay buuralayda Calmadow ee gobolka Sanaag.Idaacadda VOA Soomaali ayaa sheegtay in taliska Maraykanka ee Afrika uu farriin qoraal ah ugu sheegay in aanay jirin wax duqayn ah oo ay geysyteen ciidamada Maraykanka.Warkaan ayaa kusoo beegmay, maalmo ka dib markii Dawladda Soomaaliya ay sheegtay in hawlgal ka dhacay buuralayda Calamdow lagu dilay in ka badan 20 ka tirsan al-Shabaab.Xukumadda Soomaaliya waxay sheegtay…

Maamulka Jubbaland oo abaabul dagaal ka bilaabay gobolka Gedo

 Arbaco, May, 29, 2024 (AX) - Hogaamiye ku xigeenka koowaad ee maamulka Jubbaland Maxamuud Sayid Aadan oo ku sugan magaalada Ceelwaaq ee gobolka Gedo ayaa halkaas ka wada abaabul dagaal oo ka dhan ah kooxda Al-shabaab.Maxamuud Sayid Aaden ayaa gudaha degmada Ceelwaaq kula hadlay ciidan cusub oo dhawaan tababar loo soo xiray, kuwaas oo loo diyaariyay iney ka qeyb qaataan sugidda Amniga iyo howlgalada ka dhanka ah kooxda Al-shabaab.Hogaamiye ku xigeenka Jubbaland ayaa u sheegay ciidanka cusub iney u dyaar garoobaan ka qeyb…

Safaaradda Shiinaha ee Soomaaliya oo ka jawaabtay wafdi Gobaladda Waqooyi u dirtay Taiwan

 Arbaco, May, 29, 2024 (AX) - Safaaradda Shiinaha ee Soomaaliya ayaa jawaab ka bixisay ka qeyb galka Gobaladda Waqooyi ee caleemo saarka hoggaamiyaha Taiwan oo dhacday 20-kii bishaan May.Afhayeenka safaaradda Shiinaha ee Soomaaliya, ayaa saxaafadda u sheegay, in Shiinuhu mowqifkiisu yahay in Gobaladda Waqooyi ay qeyb ka tahay Soomaaliya.“Shiinuhu uma arka Gobaladda Waqooyi dal, wuxuuna raacsan yahay xaqiiqada aas aasiga ah ee in Gobaladda Waqooyi ay katirsan tahay dhulka Soomaaliya,” ayuu yiri afhayeenka safaaradda…

Kusimaha Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya oo kulamo la qaatay madaxda dalka

Talaado, May, 28, 2024 (AX) - Hogamiyayaasha ugu sareyso dowladda Fedaraalka  madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud iyo Raysal wasaare Xamse Cabdi Barre ayaa xafiisyadooda ku kala qaabilay kusimaha Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya James Swan oo maalin ka hor soo gaaray magaalada Muqdisho.Hogaamiye Xasan Sheekh Maxamuud ayaa  Aqalka Aqalka dalka ku qaabilay ku simaha cusub ee Ergayga gaarka ah ee Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay uu u soo magacaabay Soomaaliya James Swan. Kulankan dhexmaray…

Bangiga Horumarinta Afrika oo Soomaaliya ugu deeqay lacag dhan $18 Milyan oo dolar

 Talaado, May, 28, 2024 (AX) - Bangiga Horumarinta Afrika ayaa maanta dowladda Fedaraalka Soomaaliya ugu deeqay lacag dhan $18 Milyan oo dolar, taasoo loogu talo galay wax ka qabashada dhibaatooyinka ka dhasha isbadalka Cimlada.Munaasabadda lagu saxiixayay heshiiska Bangiga horumarinta Afrika iyo dowladda Soomaaliya ayaa ka dhacay magaalada Nairobi ee Caasimadda dalka Kenya oo uu ka socdo shirka sanadlaha ee Bangiga Horumarinta Afrika.Heshiiska Maaliyadeed ayaa waxaa si wadajir ah u saxiixay wasiirka Maaliyadda Xukumadda…

Daacish oo isku ballaarisay dhulka buuralayda gobolka Bari ee Waqooyi Bari

 Talaado, May, 28, 2024 (AX) - Warbixin cusub oo ay soo saartay xarunta siyaasadda Imaaraadka ayaa lagu muujiyay khatarta sii kordheysa ee ka imaanay Waqooyi Bari.Isballaarintaan ayaa ku timid Khasaarooyin ku yimid kooxda ay iska soo horjeedaan ee Al-Shabaab oo la safan Al-Qaacida.Wararka ayaa sheegaya in Daacish ay Al-Shabaab kala wareegeen gacan ku heynta Buuraleyda Al-Miskaad ee istiraatiijiga ah kadib dagaalo sanado badan qaatay oo dhexmaray labada dhinac.“Balaadhinta Daacish ee Waqooyi Bari waxa ay kooxda siisaa…

Howlgalo ka dhan ah Al-shabaab oo ka dhacay xadka maamulada Galmudug iyo Hirshabeelle

 Talaado, May, 28, 2024 (AX) - Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya howlgalo ciidanka dowladda Fedaraalka Soomaaliya ay ka sameeyeen saacadahii lasoo dhaafay deegaano ku yaala xaduuda ay wadaagaan gobolada Galgaduud, Hiiraan iyo Shabeellaha dhexe ee maamulada Galmudug iyo Hirshabeelle.Howlgaladaan oo ay si gaar ah u fuliyeen ciidanka Danab ayaa la sheegay in lagu soo qabqabtay xubno ka tirsan kooxda Al-shabaab oo doonayay iney isaga gudbaan xaduudaha ay wadagaan goboladaas.Wararka waxay intaas ku darayaan in ciidanka ay…

Qaramada Midoobay oo $2 Milyan oo Dolar u qoondeysay wax ka qabashada Cudur halis badan oo ka jira Soomaaliya

 Talaado, May, 28, 2024 (AX) - Isku duwaha gargaarka deg dega ah ee Qaramada Midoobay Martin Griffiths ayaa shaaca ka qaaday $2 milyan oo dolarka Mareykanka ah uga qoondeeyay Sanduuqa dhexe ee wax qabadka deg dega ah (CERF), taasi oo wax looga qabanayo daacuunka ka dillaacay Soomaaliya.Ururka Caafimaadka Aduunka ayaa laga soo xigtay in Soomaaliya laga soo sheegay in ka badan 10,000 xaaladood iyo 120 dhimasho ah toddobo gobol oo ka mid ah dalka Soomaalya tan iyo bishii Janaayo ee sanadkaan.Dilaaca Cudurka Daacuunka ayaa…

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More