Golaha wasiirrada Soomaaliya oo meel mariyay qaraar ku saabsan ka hortagga qataraha amniga qaranka

 
Khamiis, Juun, 27, 2024 (AX) – Golaha Wasiirrada Soomaaliya ayaa maanta oo khamiis ah ansixiyay Qaraar ku saabsan Khataraha Amniga Qaranka, oo uu soo diyaariyay Xafiiska Amniga Qaranka Soomaaliya.
Qaraarkan ayay dowladdu sheegtay in looga gaashaamanayo khataraha halis galin kara jiritaanka, dowladnimada, midnimida dalka iyo wadajirka dadka Soomaaliyeed.
Xafiiska raysal wasaaraha Soomaaliya ayaa sheegay in qaraarkan uu ka tarjumayo aragtida cusub ee dowladda Soomaaliyeed ee ku saleysan Amniga Qaranka.
Qaraarkan oo ka kooban 8 qodob oo aan faahfaahin dheer laga bixin, ayaa golaha xukuumadda oo yeeshay shirkoodii todobaadlaha kusoo dhoweeyeen qaraarkan, iyagoo ansixiyay.
Soo saarista qaraarkan ayaa kusoo aaday, xilli ay Soomaaliya dadaal adag ugu jirto in ay meesha ka saarto heshiis khatar weyn ku ah gobonimada Soomaaliya, kaasoo ay Ethiopia ku doonayso inay ku qaadato qeyb kamid ah biyaha Soomaaliya.
Ethiopia ayaa xalay sheegtay in aysan ka bixin heshiiska badda ee ay Gobaladda Waqooyi kula jirto, kaddib markii baraha bulshada lagu faafiyay war been abuur ah oo ku saabsan in dowladda Ethiopia ay joojisay heshiiskaas.
Waa kuwan qodobada ku xusan qaraarka amniga.
1. Argagixisada.
2. Aragtida Gooni-goosadka.
3. Dowlad-nugeylka.
4. Xuduudaha Beylahda.
5. Faragelinta Shisheeye.
6. Isbeddelka Cimilada.
7. Khatarta Tiknoolajiyadda.
8. Khataraha Bulshada.


This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More