Raysal Wasaare Xamse oo maanta u ambabaxay dalka Kuuriyada Koonfureed

Axad, Juun, 2, 2024 (AX) – Raysal wasaaraha Xukuumadda Fedaraalka Soomaaliya Xamse Cabdi Barre iyo wafdi uu hoggaaminaayo ayaa maanta u ambabaxay magaalada Seol ee dalka Kuuriyada Koonfureed, halkaas oo ay kaga qeyb galayaan shir madaxeedka Jamhuuriyadda Kuuriya iyo Afrika.
Afhayeenka Xukuumadda Soomaaliya Farxaan Maxamed Jimcaale ayaa sheegay in shirkaan uu socon doona 4-ta ilaa 5 bishaan Juun, islamarkaana diiradda lagu saarayo sidii loo xoojin lagaa xiriirka u dhaxeeya dalalka Afrika iyo Jamhuuriyadda Kuuriya.
Shirkaan ayaa waxaa sidoo kale la filayaa iney ka qeyb galaan madax ka kala socota Midowga Afrika iyo Bangiga horumarinta Afrika, waxaana shirka looga hadli doona sidii iskaashi uga wada yeelan lahaayeen dhinacayda dhaqaalaha, harumarinta iyo kaabayaasha gacansiga.
“Shirka inta uu socda waxay madaxda labada dhinac ka wada hadli doonaan dhibaatooyinka xilligaan dunida ay wajahayso, sida isbadalka Cimillada, cunno yarida iyo dhibaatooyinka ka taagan dhanka Caafimaadka” ayuu yiri Afhayeenka Xukuumadda Soomaaliyq Farxaan Maxamed Jimcaale.
Afhayeenka Xukumaadda ayaa sidoo kale sheegay in Raysal wasaare Xamse Cabdi Barre uu khudbad ka jeedin doono madasha shirka uu kaga hadli doono xaaladda guud ee dalka iyo hormarka ay ku talaabsatay dowladda Soomaaliya.


This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More