Browsing Tag

oo

Maxkamadda Racfaanka Gobolka Banaadir oo xoriyadooda usoo celisay labo masuul oo u xirnaa masuq maasuq

 Talaado, Juun, 4, 2024 (AX) - Maxkamadda Racfaanka Gobolka Banaadir ayaa maanta oo Talaado ah go’aan ka gartay labo Agaasime oo hore oo ka tirsanaa Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada, kaddib markii lagu soo eedeeyay eedeymo la xiriira musuq maasuq, iyadoo horey ugu xukuntay saddex sano oo xarig ah.Guddoomiyaha Maxkamadda Racfaanka Gobolka Banaadir, Siciid Cali Maxamed, ayaa ku dhawaaqay in aanay wax dembi ah ku helin Agaasimeyaashii hore ee Wasaaradda, C/laahi Maxamed Cali iyo Maxamed Cadde Mukhtaar, isagoo ku amray…

Raysal wasaare Xamse oo magaalada Seol uga qeybgalay shir muhiim ah oo ka furmay

 Talaado, Juun, 4, 2024 (AX) - Raysal wasaaraha Xukuumadda Fedaraalka Soomaaliya Xamse Cabdi Barre iyo wafdi uu hoggaaminaayo ayaa magaalada Seol ee dalka Koonfur Kuuriya uga qeyb galay shir madaxeedka Kuuriyada Koonfureed iyo Afrika oo goordhaw si rasmi ah u furmay.Shir madaxeedkaan u furmay Kuuriyada Koonfureed iyo madaxda Afrika ayaa socon doono mudo laba maalmood ah, kaasoo dhinacyada ay diiradda ku saari doonaan xiriirka soo jireynka ahaa ee ka dhaxeeyay Kuuriyada Koonfureed iyo Afrika.Laba dhinac waxay sidoo kale ka…

Golaha Ammanka oo wada hadal ka yeelan doona xaaladda siyaasadeed iyo amni ee Soomaaliya

 Talaado, Juun, 4, 2024 (AX) - Golaha Ammaanka ayaa ka wada hadli doona xaaladda siyaasadeed iyo amni ee Soomaaliya, iyadoo warbixin laga dhegaysan doono sii haya ergayga Qaramada Midoobay ee Soomaaliya, James Swan.Kulankan ayaa dhicidoono 24-ka bishaan June, sida lagu sheegay qoraal lagu daabacay barta X ee xafiiska arrimaha siyaasada iyo nabad dhiska ee Qaramada Midoobay.Kulankaas ayaa kusoo beegmaya, iyadoo dhawaan Soomaaliya ay codsatay in la xiro xafiiska kaalmaynta Qaramada Midoobay ee Soomaaliya ee UNSOM, arrintaas…

Dowlad goboleedkii labaad oo kasoo horjeestay bixitaanka ciidamada Itoobiya

 Isniin, Juun, 3, 2024 (AX) - Dowlad goboleedka Jubbaland ayaa kasoo  horjeesatay qorshaha ay dowladda Soomaaliya damacsan tahay ee ah in ciidamada Itoobiya ee qeybta ka ah howlgalka ATMIS laga saaro dalka dhamaadka sannadkan 2024.Hogaamiye ku xigeenka Jubaland Maxamuud Sayid Aadan ayaa ku tilmaamay go’aanka dowladda mid ay ka dhalan karto xaalad adag.“Ma ahan wax ay go’aan ka gaari karaan dad dano gaar ah leh,” ayuu yiri madaxweyne ku xigeenka Jubbaland oo safar ku jooga magaalada Muqdisho.Ciidamada Itoobiya ayaa…

Taliyihii Ururka 3-aad ee ciidanka Daraawiishta Booliiska Soomaaliya oo lagu dilay gobolka Shabeellaha Dhexe

 Isniin, Juun, 3, 2024 (AX) - Wararka ka imaanaya gobolka Shabeellaha Dhexe ayaa sheegaya in deegaanka Xaaji Cali lagu dilay Taliyihii Ururka 3-aad ee ciidanka Daraawiishta Booliiska Soomaaliya ee gobolka Shabeelaha Dhexe Cabdulqaadir Maxamed Xaashi oo loo yaqiinay Juuqlaawe.Taliye Juuqlaawe ayaa ku geeriyooday dagaal beeleed saakay aroornimadii hore ka dhacay deegaanka Xaaji Cali oo ka mid deegaanada hoostaga degmada Cadale, waxaana geeridiisa xaqiijisay Taliye ku xigeenka 2-aad ee Askarta Booliiska Soomaaliyeed Jeneraal…

Wasiirka Dhalinyarada iyo Ciyaaraha Soomaaliya oo ka hadlay xaalada dhalinayro ku dhibaateysan Libya

Isniin, Juun, 3, 2024 (AX) - Wasiirka Wasaaradda Dhalinyarada iyo Ciyaaraha dowladda Soomaaliya Maxamed Barre Maxamuud ayaa kula kulmay dalka Liibiya qaar ka mid ah dhalinyaro Soomaaliyeed oo halkaasi tahriib ku tagay.Wasiir Barre ayaa sheegay in booqashadiisa ay la xariirtay u kuur galida xaalada nololeed ee dhalinyarada dalkaasi tahriibka ku tagay, isagoona ku baaqay in dhalinta Soomaaliyeed ka fogaadaan tahriibka.“Libiya waxaan markii hore u tagnay ka qeyb galka shir Jaamacadda Carabta ah balse markii dambe ayaan waxaan…

Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya oo u safray New York si uu ugu ololeeyo kursiga Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay

 Isniin, Juun, 3, 2024 (AX) - Wasiirka arrimaha dibadda ee Soomaaliya, Axmed Macalin Fiqi, ayaa u safray magaalada New York ee dalka Mareykanka si uu ugu ololeeyo in Soomaaliya ay xubin ka noqoto Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay.Tallaabadan ayaa imaaneysa ka hor doorashada soo socota ee xubnaha golaha amaanka, oo la qorsheeyay 6-da June inta lagu guda jiro kalfadhiga 78-aad ee golaha guud ee Qaramada Midoobay.Booqashada Wasiir Fiqi ee New York ayaa qeyb ka ah dadaallo ballaaran oo diblumaasiyadeed oo lagu doonayo in…

Dagaallo culus oo u dhaxeeya Soomaalida iyo Canfarta oo ka billowday galbeedka gobolka Siti ee Dowlad degaanka Soomaalida

 Isniin, Juun, 3, 2024 (AX) - Wararka ka imaanaya Dowlad degaanka Soomaalida gaar ahaan gobolka Siti ayaa sheegaya in dagaal culus oo u dhaxeeya Soomaalida iyo Canfarta uu ka socdo tuulooyin kuyaala galbeedka gobolka ee Dowlad degaanka Soomaalida.Dagaalkan oo socday labadii maalmood ee lasoo dhaafay ayaa waxa uu si gaar ah uga socdaa magaalada Dhuunyar iyo tuulooyinka kale, waxaana la sheegayaa in dagaalkaasi uu gaystay khasaare badan inkastoo aysan jirin warar madax banaan oo xaqiijin kara khasaaraha dhabta ah ee…

Itoobiya oo sheegtay in aysan marnaba ka tanaasulidoonin doonisteeda badda cas

Isniin, Juun, 3, 2024 (AX) - Machadka Arrimaha Dibadda ee dalka Itoobiya ayaa marti galiyay wada-hadalladii 2-aad ee Badda Cas oo ka dhacay Addis Ababa, kaasoo hal ku dhiggiisu uu ahaa baahida Iskaashi Goboleed ee badda cas.Madaxa fulinta machadka arrimaha dibadda ee dalka Itoobiya Jacfar Bedru oo warbaahinta la hadlay, ayaa ku nuux nuuxsaday muhiimada ay Itoobiya u leedahay gobolka Bada Cas, wuxuuna sheegay in Itoobiya  aysan marnaba ka tanaasuli doonin doonisteeda badda cas.“Itoobiya iyo badda cas waxaa ka dhaxeeya…

Ciidamadii ugu badnaa oo maanta kaabiga ku haaya deegaanka Ruunirgood

 Isniin, Juun, 3, 2024 (AX) - Wararka ka imaanaya gobolka Shabeellaha Dhexe ayaa sheegaya in ciidamadii ugu badnaa ay ku hareersan yihiin deegaanka Ruunirgood oo ay ku sugan yihiin kooxda Al-shabaab.Ciidamada ku hareereysan deegaanka Ruunirgood ayaa ujeedkoodu yahay sidii ay deegaankaas uga saari lahayeen kooxda Al-shabaab oo halkaas ku leh difaacyo adag.Sarkaal ka tirsan ciidanka xoogga dalka ayaa warbaahinta u sheegay iney kaabiga ku hayaan deegaanka Ruunirgood, islamarkaana ay madaxda dowladda ka sugayaan amarkii ay ku…

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More