Mareykanka oo ku dadaalaya sii wadida Xafiiska Siyaasadda Qaramada Midoobay ee Soomaaliya

 
Axad, Juun, 2, 2024 (AX) – Mareykanka ayaa u ololeynaya sii wadida xafiiska siyaasadda Qaramada Midoobay ee Soomaaliya, sida lagu sheegay hadal ka soo baxay wasaaradda arrimaha dibadda ee Mareykanka, ka dib wadahadal dhexmaray xoghayaha arrimaha dibadda Antony Blinken iyo madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud.
Afhayeenka Waaxda Arrimaha Dibadda Mareykanka ayaa sheegay in Blinken iyo madaxweyne Xasan Sheikh ka wada hadleen “sii wadista” howlgalka Qaramada Midoobay intii uu socday kulankooda, isagoo soo jeediyay in Mareykanka uu doonayo inuu sii shaqeeyo xafiiska inkastoo Soomaaliya ay dhawaan codsatay joojinta.
Bishii hore, Soomaaliya waxay ku baaqday in la xiro Xafiiska Qaramada Midoobay ee Kaalmada Soomaaliya (UNSOM).
Si kastaba ha ahaatee, Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay Antonio Guterres ayaa maalmo kooban ka dib si ku meel gaar ah ugu magacaabay xafiiska UNSOM Diblomaasi Mareykan ah oo ruug-caddaa ah oo lagu magacaabo James Swan inuu noqdo ergaygiisa Soomaaliya.
Afhayeenka arrimaha dibadda  ayaa sheegay in Blinken uu ku nuuxnuuxsaday baahida loo qabo in la dhimo khilaafka diblumaasiyadeed ee u dhexeeya Soomaaliya iyo dalka deriska ah ee Itoobiya, kaasoo ka dhashay heshiis badda ah oo ay Ethiopia la gaartay Gobaladda Waqooyi.


This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More