Waqooyi Bari oo baaq nabadeed kasoo saartay dagaalka galbeedka gobolka Mudug

 
Khamiis, Juun, 27, 2024 (AX) – Maamulka Waqooyi Bari ayaa baaq nabadeed kasoo saaray colaadda ka taagan galbeedka gobolka Mudug, halkaas oo ay maanta ku dagaalamayaan maleyshiyaad kasoo kala jeeda Waqooyi Bari iyo Galmudug, kuwaas oo isku haysta dhul daaqsimeed.
Hogaamiye ku xigeenka ahna ku simaha madaxweynaha Waqooyi Bari, Ilyaas Cilmi Lugatoor ayaa ku baaqay in la joojiyo colaadda iyo xabbadda ka socota galbeedka gobolka Mudug.
Hogaamiye ku xigeenka wuxuu sheegay inay direen wafdi ka socday golayaasha maamulkooda, si Waqooyi Bari iyo Galmudug uga wada shaqeeyaan xakamaynta colaadda ka taagan Mudug.
Hadalka madaxweyne ku xigeenka Waqooyi Bari ayaa imaanaya, iyadoo in ka badan 10 qof ay ku geeriyoodeen, kuwa ka badanna ay ku dhaawacmeen dagaalka maanta ka socda degaano hoos yimaada degmada Galdogob ee gobolka Mudug.


This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More