Koonfur Galbeed oo ka hortimid qorshaha ciidanka Itoobiya looga saarayo dalka

Axad, Juun, 2, 2024 (AX) – Dowlad goboleedka Koonfur Galbeed ayaa ka hor yimid qorshe ciidamada Itoobiya dalka looga saarayo dhammaadka sanadkan, sida uu horey u sheegay la taliyaha amniga qaranka, Xuseen Sheikh Cali.
Qoraal lagu daabacay barta X ee wasaaradda amniga ee maamulka Koonfur Galbeed, ayaa lagu sheegay, in maamulka Koonfur Galbeed uu la socdo shakhsiyaad marin habaabin ku haya shaqada ciidamada Itoobiya ay ka hayaan degaanada maamulkaas uu ka taliyo.
“Ciidamadda Itoobiya ee ATMIS waxay hayaan howl adag, waxa aanan uga mahadcelineynaa ka qeyb qaadashadooda howlgalka nabad ilaalinta, waxayna sii wadi doonaan in ay si joogaan oo ay doorkooda ka qaataan gobolka,” ayaa lagu yiri qoraalka wasaaradda amniga Koonfur Galbeed.
Si kastaba ha ahaatee, Kumanaan ka tirsan ciidamada Itoobiya oo qeyb ka ah howlgalka ATMIS, iyo kuwa kaloo aan qeyb ka ahayn ATMIS, ayaa intooda badan ka howlgalla degaanada Koonfur Galbeed iyo gobolka Gedo.
Sida uu sheegay la Taliyaha amniga qaranka, Ciidamada Itoobiya ayaan ka mid noqon doonin ciidamada AU-da” ee ka howlgali doona Soomaaliya marka uu dhamaado howlgalka Midowga Afrika ee Ku-meel-gaarka ah ee Soomaaliya (ATMIS), marka la gaaro bisha December ee sanadkan.
Tallaabadan ayaa loo maleynayaa inay qeyb ka tahay Xidhiidhka Diblomaasiyadeed ee u dhexeeya Itoobiya iyo Soomaaliya oo hoos u dhacay heerkii ugu hooseeyay, ka dib markii 01-kii January ee Sannadkan ay Itoobiya la saxeexatay Heshiis Is-afgarad ah maamulka Gobaladda Waqooyi, iyadoo heshiiskaas uu Itoobiya u oggolanayo inay Badda ka hesho Saldhig Milatari yo deked ganacsi, si ay Gobaladda Waqooyi iyaduna aqoonsi u hesho.


This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More