Taliska ciidanka xoogga dalka oo shaaciyay waqti lasoo afjarayo dagaalka Al-shabaab

 
Axad, Juun, 2, 2024 (AX) – Taliye ku xigeenka ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed Jeneraal Maadeey Sheekh Nuur ayaa sheegay in bishaan Juun ay soo afjari doonaan howlgalada ka dhanka ah kooxda Al-shabaab ee ka socda gobolada dalka.
Jeneraal Maadeey ayaa sidoo kale sheegay in ciidanka xoogga ay guulo la taaban karo kasoo hoyeen dagaaladii ay la galeen kooxda, isagoona goob fagaare ah ka balan qaaday in waqti kooban kusoo gabageynayaan dagaalka Al-shabaab.
Taliye ku xigeenka ciidanka xoogga dalka ayaa tlmaamay in dhamaan ciidankii loogu talo galay soo afjarida dagaalka Al-shabaab iney ku sugan yihiin furimaha hore ee dagaalka, islamarkaana waxa ay sugayaan ay tahay amarkii ay xabada ku bilaabi lahayeen.
“Askarta xoogga dalka Soomaaliyeed maanta waxay sugayaan kaliya in la dhaho xabadda bilaaba, xiligaan aan idinla hadlaayo ciidanka qeyb kasta meeshii loogu talagalay ayey ku sugan tahay, guusha waxay haya Allaah, laakiin anaga iyo Shabaab bishaan Juun islama dhaafi doono insha allah” ayuu yiri Taliye ku xigeenka ciidanka xoogga dalka Maadeey Sheekh Nuur.
Hadalkaan ayuu Jeneraal Maadeey ka sheegay kulan shalay uu ka daah furay magaalada Muqdisho Raysal Wasaare Xamse Cabdi Barre kaasoo ahaa barnaamij loogu magac daray “Hooyo u Hiilli Qarankaaga” oo ah mid lagu muujinayo kaalinta muhiimka ah ee hooyooyinka Soomaaliyeed ay ku leeyihiin amniga iyo xasilinta dalka.




This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More