Guddoomiye ku xigeenkii arrimaha bulshada deegaanka Lafoole oo lagu dilay Muqdisho

Axad, Juun, 2, 2024 (AX) – Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya dil Xalay loogu geystay gudaha magaalada Muqdisho guddoomiye ku xigeenkii arrimaha bulshada deegaanka Lafoole ee duuleedka Muqdisho Mukhtaar Nuur Geesey.
Allah u naxariiste dilka marxumka ayaa waxaa geystay rag bastoolado ku hubeysnaa oo ku dilay meel aanan ka fogeyn gurigiisa oo ku yaala degmada Dharkeenley ee magaalada Muqdisho.
Dableyda fulisay dilka Mukhtaar Nuur ayaa si deg deg ah uga baxsatay goobta, waxaana meydka marxuumka la geeyay xarunta C.I.D, halkaas oo ay ka socdaan baaritaano ay wadaan laamaha amaanka Soomaaliya.
Dilkaan Xalay loo geystay guddoomiye ku xigeenkii arrimaha bulshada deegaanka Lafoole ayaa qayb ka noqonaya falalka amaan darro ee maalmihii lasoo dhaafay ka dhacayay gudaha magaalada Muqdisho,
Ugu dambeyntii dilkaan ayaa sidoo kale kusoo beegmaya iyadoo ciidamada amaanka ay si weyn u kordhiyeen howlgalada ay ku xaqiijinayaan amniga Caasimadda.


This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More