Xukumadda Federaalka Soomaaliya oo ka hadashay duqayn ka dhacday gobolka Bari ee Waqooyi Bari

 
Axad, Juun, 2, 2024 (AX) – Xukumadda Federaalka Soomaaliya ayaa ka hadashay duqayn ciidamada Maraykanka ay ka geysteen degaan katirsan dhulka buuralayda gobolka Bari ee Waqooyi Bari, kaasoo lagu bartilmaameedsaday xarumaha Daacish.
Wasiir ku xigeenka warfaafinta Soomaaliya, Cabdiraxmaan Yuusuf Alcaddaala oo la hadlay VOA Soomaali, ayaa u sheegay in weerarkaan uu daba socday weerar todobaad ka hor laga fuliyay degaanada Calmadow ee gobolka Bari.
Wasiir ku xigeenka ayaa sheegay, in weerarkan lagu burburiyay xero ay tuulada Afcas oo Koonfur Bari 80km ka xigta magaalada Boosaaso ku lahaayeen kooxda Daacish, isagoo sheegay in la xaqiijiyay geerida saddex horjooge oo katirsanaa kooxda Daacish.
Alcaddaala waxa uu tilmaamay in tuulada Afcas ay ahayd goob ay Daacish afduub ugu haysteen dad shacab ah, kuwaas oo uu xusay in lagasoo badbaadiyay. Wuxuu intaas ku daray in aanay jirin wax khasaare ah oo shacabka kasoo gaaray howlgalkaan ay fuliyeen ciidamada Maraykanka.
Wasiirku wuxuu ka gaabsaday weerarkan waxa ay ka og yihiin Waqooyi Bari oo ka Talisa degaanada laga fuliyay. Hase ahaatee waxaa uu sheegay dowladda Federaalka inay awood u leeyahay inay howlgal ka fuliso meel kastoo dalka kamid ah iyadoo kaashanaysa saaxiibada caalamka.


This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More