Afhayeenka Booliiska: Kantarool kasta oo kuyaala magaalada Muqdisho waxaa la dhigayaa Eey qaraxyada baara

Sabti, Juun, 1, 2024 (AX) – Afhayeenka ciidanka Booliiska Soomaaliya, Cabdifitaax Aadan Xasan, ayaa sheegay, in kantaroolada magaalada Muqdisho la dhigidoono Eeyo, si ay uga qeyb qaataan sugidda amniga iyo ka hortagga waxyaabaha qaraxa.
Afhayeenka ciidanka Booliiska ayaa sheegay, in Eeyuhu aysan wax dhibaato ah u geysan doonin dadka shacabka ah, isagoo tilmaamay inay ka qeyb qaadan doonaan sugidda ammaankooda. Wuxuu sheegay, dadka Soomaaliyeed inay Eeyuhu u adeegsadaan inay  u ilaaliyaan beeraha iyo guryahooda, si aanay cidna usoo galin.
Wuxuu sheegay in horey looso tijaabiyay waxtarka Eeyaashu u leeyihiin arrimaha amniga gaar ahaan ka hortagga qaraxyada aysan hay’adaha amnigu awoodin inay arkaan. Wuxuu sheegay in Eeyaha loo tababaray inay uriyaan walxaha ay ka sameysan yihiin qaraxyada.
“Magaalada Muqdisho Eey loogama maarmo. Waxay rajadeenu tahay in 2025-ka Jakbooynti kaste oo magaalada Muqdisho kuyaala inuu Eey taagan yahay, oo aan lagu daahin dadka iyo gaadiidka, ciddii laga shakiyana la baaro,” ayuu yiri afhayeenka Booliiska.
Hadalka Afhayeenka Booliiska Soomaaliya ayaa yimid, iyadoo qeybo kamid ah baraha kantarool ee magaalada Muqdisho lagu arkayo Eeyo ka qeyb qaadanaya baaritaanka gaadiidka dadweynaha.
Qaar kamid ah shacabka magaalada Muqdisho, ayaa su’aallo ka keenay arrintaas, iyagoo sheegay in ay Eeyuhu afkooda ku taabanayaan alaabaha ay wataan.


This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More