Golaha Ammanka oo wada hadal ka yeelan doona xaaladda siyaasadeed iyo amni ee Soomaaliya

 
Talaado, Juun, 4, 2024 (AX) – Golaha Ammaanka ayaa ka wada hadli doona xaaladda siyaasadeed iyo amni ee Soomaaliya, iyadoo warbixin laga dhegaysan doono sii haya ergayga Qaramada Midoobay ee Soomaaliya, James Swan.
Kulankan ayaa dhicidoono 24-ka bishaan June, sida lagu sheegay qoraal lagu daabacay barta X ee xafiiska arrimaha siyaasada iyo nabad dhiska ee Qaramada Midoobay.
Kulankaas ayaa kusoo beegmaya, iyadoo dhawaan Soomaaliya ay codsatay in la xiro xafiiska kaalmaynta Qaramada Midoobay ee Soomaaliya ee UNSOM, arrintaas oo aysan Qaramada Midoobay soo dhowayn.
Soomaaliya oo u tartamaysa kursiga aan joogtada ahayn ee golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay, ayaa doonaysa in wax laga beddelo wada shaqaynta Soomaaliya iyo Qaramada Midoobay. Waxay dowladdu sheegtay in la joogo waqtigii xoojinta awoodda hay’adaha dawladda.
Wasiirka arrimaha dibadda Soomaaliya, Ambassador Axmed Macallin Fiqi oo shalay u ambo baxay dalka Maraykanka, ayaa Soomaaliya uga qeyb galaya shirka UN-ka isagoo taageero u raadinaya in Soomaaliya ay ku guulaysato kursiga Golaha Ammaanka ee aan joogtada ahayn.


This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More