Taliyihii Ururka 3-aad ee ciidanka Daraawiishta Booliiska Soomaaliya oo lagu dilay gobolka Shabeellaha Dhexe

 
Isniin, Juun, 3, 2024 (AX) – Wararka ka imaanaya gobolka Shabeellaha Dhexe ayaa sheegaya in deegaanka Xaaji Cali lagu dilay Taliyihii Ururka 3-aad ee ciidanka Daraawiishta Booliiska Soomaaliya ee gobolka Shabeelaha Dhexe Cabdulqaadir Maxamed Xaashi oo loo yaqiinay Juuqlaawe.
Taliye Juuqlaawe ayaa ku geeriyooday dagaal beeleed saakay aroornimadii hore ka dhacay deegaanka Xaaji Cali oo ka mid deegaanada hoostaga degmada Cadale, waxaana geeridiisa xaqiijisay Taliye ku xigeenka 2-aad ee Askarta Booliiska Soomaaliyeed Jeneraal Zakiya Xuseen.
Taliyaha geeriyooday ayaa hoggaaminaayay ciidanka Daraawiishta Booliiska Soomaaliya ee  la kala dhex dhigay maleeshiyo beeleed ku dagaalamayay mudooyinkii lasoo dhaafay deegaano hoostaga degmada Cadale.
Jenaraal Zakiya Xuseen ayaa qoraal ay ku daabacday barteeda Facebook ku sheegtay in laba Xidigle Cabdulqaadir Maxamed Xaashi Juuqlaawe uu ahaa shaqi howlkar ah oo naftiisa ku waayay dhexdhexaadinta dagaal beeleedyo ka socday gobolka Shabeellaha Dhexe.
“Waxaa saakay naga shahiiday Allah u naxariisto Lx/le Cabdulqadir Maxamed Xaashi Juuqlaawe oo ahaa Taliyaha Ururka Darawiishta Boliiska Shabeellaha Dhexe oo saakay ku shahiiday asigoo ku howlan kala celinta labo beelood oo dagaal ka dhax qarxay. Juuqlaawe waxuu ka mid ahaa saraakiisha Darawiishta Boliiska oo dhowrkii isbuuc ku sugnaa deeganada Sh/Dhexe oo ku guuleystay inay demiyaan colaada waxuuna ahaa sarkaal ciidanka uu hoggaminaayay ku kalsooni qabeyn, bulshadana ku nasteen” ayay tiri Jeneraal Zaki Xuseen.
Dhawaan ayay aheyd markii gobolka Shabeelaha Dhexe dowladda fedaraalka ay u dirtay ciidamo Booliis ah oo kala dhexgala Maleeshiyo beeleed dhowr jeer ku dagaalamay deegaano ka tirsan Shabeellaha Dhexe, kuwaas oo iska dilay dad badan.


This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More