Itoobiya oo sheegtay in aysan marnaba ka tanaasulidoonin doonisteeda badda cas

Isniin, Juun, 3, 2024 (AX) – Machadka Arrimaha Dibadda ee dalka Itoobiya ayaa marti galiyay wada-hadalladii 2-aad ee Badda Cas oo ka dhacay Addis Ababa, kaasoo hal ku dhiggiisu uu ahaa baahida Iskaashi Goboleed ee badda cas.
Madaxa fulinta machadka arrimaha dibadda ee dalka Itoobiya Jacfar Bedru oo warbaahinta la hadlay, ayaa ku nuux nuuxsaday muhiimada ay Itoobiya u leedahay gobolka Bada Cas, wuxuuna sheegay in Itoobiya  aysan marnaba ka tanaasuli doonin doonisteeda badda cas.
“Itoobiya iyo badda cas waxaa ka dhaxeeya xiriir taariikhi ah. Itoobiya waligeed waxay halgan taariikhihi ah ugu jirtay badda cas, waana arrin ku xiran jiritaankeeda. Waddamada dariskeenna ah waxaa ka go’an inay meesha ka saaraan doonisteenna badda cas” ayuu yiri  Jacfar Bedru.
Jacfar Bedru oo hadalkiisa sii wata ayaa ku eedeeyay wuxuu ugu yeeray cadowga Itoobiya ee taariikhiga ah, inay maleegayeen sidii Itoobiya looga saari lahaa wada hadallada ku saabsan badda cas.
Si kastaba ha ahaatee, Itoobiya ayaa doonaysa inay ka dhabayso fulinta heshiiska ay la gashay maamulka Gobaladda Waqooyi, kowdii bishii January ee sanadkan, kaasoo ku saabsan in Itoobiya ay qeyb ka hesho badda cas.
Xukumadda Soomaaliya ayaa si adag uga hortimid damaca iyo doonista Itoobiya ee badda cas, iyadoo ku tilmaamtay heshiiskaas inuu xad gudub ku yahay madax bannaanida iyo gobonimada jamhuuriyadda Soomaaliya.


This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More