Dowlad goboleedkii labaad oo kasoo horjeestay bixitaanka ciidamada Itoobiya

 
Isniin, Juun, 3, 2024 (AX) – Dowlad goboleedka Jubbaland ayaa kasoo  horjeesatay qorshaha ay dowladda Soomaaliya damacsan tahay ee ah in ciidamada Itoobiya ee qeybta ka ah howlgalka ATMIS laga saaro dalka dhamaadka sannadkan 2024.
Hogaamiye ku xigeenka Jubaland Maxamuud Sayid Aadan ayaa ku tilmaamay go’aanka dowladda mid ay ka dhalan karto xaalad adag.
“Ma ahan wax ay go’aan ka gaari karaan dad dano gaar ah leh,” ayuu yiri madaxweyne ku xigeenka Jubbaland oo safar ku jooga magaalada Muqdisho.
Ciidamada Itoobiya ayaa degaanada Jubbaland kaga sugan gobolka Gedo.
Jubbaland horey ayay u saluugsanayd dhimista ciidamada ATMIS, iyagoo sheegay in Alshabaab ay dib u qabsanayaan degaanada ay baneeyaan ciidamada Shisheeye.
Mowqifka Jubbaland ayaa mid lamid ah waxaa horey u qaatay maamulka Koonfur Galbeed, oo sheegay in ciidamada Itoobiya ay shaqo wanaagsan ka hayaan degaanadooda.
Wasiirka Amniga Koonfur Galbeed, Xasan Cabdulqaadir Maxamed, ayaa sheegay in loo baahan yahay in si dhab ah looga wada hadlo ka hor inta aan la saarin ciidamada. Wuxuu muujiyay inuu doorbidayo sii joogitaanka ciidamada Itoobiya.
“Haddii hadda la doonayo in dalka laga saaro ciidanka, waxaa loo baahan yahay in si weyn looga wada hadlo, mana jirto cid gaar ah oo go’aan noocaas ah qaadan karta, Koonfur Galbeed way ku qanacsan tahay joogitaanka ciidamada Itoobiya,” ayuu yiri Wasiir Xasan.
Si kastaba ha ahaatee, la-taliyaha Amniga Qaranka ee Hogaamiyaha Soomaaliya, ayaa Jimcihii shaaca ka qaaday in Xukumadda Soomaaliya ay ka rajeyneyso dhammaan Ciidamada Itoobiya in ay isaga baxaan Soomaaliya marka la gaaro sanadka 2024-ka, xilli ciidamada dalalka ay sii joogi doonaan Soomaaliya, taasoo qeyb ka ah howlgalka cusub ee la filayo inuu bilowdo Janaayo 2025.


This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More