Wasiirka Dhalinyarada iyo Ciyaaraha Soomaaliya oo ka hadlay xaalada dhalinayro ku dhibaateysan Libya

Isniin, Juun, 3, 2024 (AX) – Wasiirka Wasaaradda Dhalinyarada iyo Ciyaaraha dowladda Soomaaliya Maxamed Barre Maxamuud ayaa kula kulmay dalka Liibiya qaar ka mid ah dhalinyaro Soomaaliyeed oo halkaasi tahriib ku tagay.
Wasiir Barre ayaa sheegay in booqashadiisa ay la xariirtay u kuur galida xaalada nololeed ee dhalinyarada dalkaasi tahriibka ku tagay, isagoona ku baaqay in dhalinta Soomaaliyeed ka fogaadaan tahriibka.
“Libiya waxaan markii hore u tagnay ka qeyb galka shir Jaamacadda Carabta ah balse markii dambe ayaan waxaan u kuur galeynay xaaladda dhalinyarada Soomaaliyeed ee Libya ku nool, waxaan la kulanay qaar ka ka mid ah dhalinyaradii halkaas tahriibka ku tagay oo ay soo marin habaabiyeen magafayaasha waxayna ahayd arrin aad u adkayd oo xaaladeedana iska cusleyd,” ayuu yiri wasiirka Dhalinyarada iyo Ciyaaraha Soomaaliya Maxamed Barre Maxamuud.
Wuxuu sidoo kale sheegay Wasiirka in dhalinyaradii dhawaan laga soo furtay gacanta magafayaasha iney kiiskooda ay hayso Xeer ilaalinta ay dowladana Soomaaliyana ay ka shaqeyneyso sidii dalka dib loogu soo celin lahaa.
“Dhalinyarada weli  gacanta xeer ilaalinta ayay ku jiraan maadaamaa ay ahaayeen dhibaneyaal muddo dhib loo geysanayay sidaas darteed waxa loo baahnaa in loo maro hab sharci ah maaddaamaa ay baaris ku socotay. Dhalinyaradaas inooma suurogelin inaan la kulano laakiin waxaa la kulanay dhalinyaro kale oo eheladooda ay ka soo furdaamiyeen ama si kale cagahooda uga soo baxsaday kuwaas oo waqtiyo kala duwan soo gaaray Libya, qaarkood 5 sano ayay joogeen halka qaarna ay bilooyin yar joogaan” ayuu yiri Wasiir Maxamed Barre.
Wasiirka ayaa sidoo kale tilmaamay in dhamaan dhalinyarada dhawaan laga soo furtay magafayaasha in Libiya ay magafayaashu ku keeneen hab qiyaano ah, islamarkaana ay jirdilo iyo dhibaatoyin kala duwan ugu geysan jireen goobaha ay ku hayeen.
“Dhalinayada marka laga reebo laba wiil waxay noo sheegeen in magafayaashu ay soo qiymaaneen ka dib markii ay u sheegeen in Addis Ababa laga saarayo diyaarad geynayso bariga Yurub balse ay ku dambeeyeen Libya” ayuu yiri wasiir Maxamed Barre.
Xabsiyada dalka Libiya waxaa wali ku xiran dhalinyaro Soomaali ah oo dalkaas ku tagtay tahriib, waxaana dowladda Fedaraalka tiro dhowr jeer ah dalka dib ugu soo celisay dhalinyaro ku xirneyd xabsiyo ku yaal dalkaas.


This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More