Browsing Tag

oo

Soomaaliya oo 50 sano kadib ku guulaysatay inay kamid noqoto Golaha Ammaanka

 Khamiis, Juun, 6, 2024 (AX) - Soomaaliya ayaa loo doortay in ay ka mid noqoto Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay muddo labo sano oo ka bilaabanaysa 2025-2026.Waa markii ugu horraysay muddo 52 sano ah ka dib ay Soomaaliya ku guulaysato inay kursi aan joogto ahayn ka hesho Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay.Waxaa Soomaaliya lagu doortay codayn qarsoodi ah oo ka dhacday fadhiga Golaha loo dhan yahay ee Qaramada Midoobay, iyadoo heshay 179 cod. Soomaaliya ayaa aheyd musharaxa kaliya ee ka socday waddamada Bariga Afrika,…

Faysal Cali Waraabe oo ka digay in la hagardaameeyo geedi socodka doorashooyinka Gobaladda Waqooyi

 Khamiis, Juun, 6, 2024 (AX) - Guddoomiyaha Xisbiga UCID Faysal Cali Waraabe, ayaa xukuumada Gobaladda Waqooyi iyo koomiishanka doorashooyinka uga digay waxkasta oo doorashooyinka hargardaamayn kara.Guddoomiyaha oo ka hadlay qalab cusub oo dhawaan la sheegay in ay suuragaltahay in lagu galo doorashooyinka, ayaa sheegay in qalabkaasi uu doorashada dib u dhigi karo, isaga oo digniin u diray madaxwaynaha."13 November haday doorasho qabsoomiwaydo 13 December kursigaasi wuu banaanaanayaa oo shirkii Boorama 2 ayaanu qabanaynaa,…

Hogaamiyaha Soomaaliya oo soo dhoweeyay kamid noqoshada Soomaaliya ee Golaha Ammaanka

 Khamiis, Juun, 6, 2024 (AX) - Hogaamiyaha dowladda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa si diirran u soo dhaweeyey in Soomaaliya loo doorto xubinnimada Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobey, muddo labo sano ah.Hogaamiye Xasan Sheikh Maxamuud ayaa qoraal uu kasoo saaray madaxtooyada Soomaaliya, waxa sheegay in guushan ay muujinayso horumarka iyo dowladnimada Soomaaliya.Madaxweynuhu waxa uu tilmaamay qorsheyaasha hagayay codka Soomaaliyeed ee fagaareyaasha caalamka, in ay ahaayeen ilaalinta nabadda iyo xoojinta…

Dhuusamareeb oo lagu toogtay rag horay u dilay Dhaqtar iyo Macalin Dugsi Quraan Walaalo ahaa

 Khamiis, Juun, 6, 2024 (AX) - Maxkamada gobolka Galgaduud ee maamulka Galmudug ayaa maanta dil toogasho ah ku fulisay sadax nin oo lagu helay iney ka dambeeyeen dil horay loogu geystay Dhaqtar iyo Macalin Dugsi Quraan oo walaalo ahaa.Sadaxdaan nin ee maanta la toogtay ayaa lagu magacaabaa Nuur Cabdi Maxamed, Shuceyb Maxamed Faarax iyo Bile Cabdullahi Xasan.Ragaan ayaa deegaanka Ilix oo ka tirsan deegaanada hoostaga degmada Guriceel ee gobolka Galgaduud si bareer ah ugu dilay Axmed Xasan Cismaan oo ahaa Dhaqtar iyo Macalin…

Soomaaliya oo maanta lagu wado in ay xubin ka noqoto Golaha Ammaanka

 Khamiis, Juun, 6, 2024 (AX) - Soomaaliya, Denmark, Greece, Pakistan iyo Panama iyo Soomaaliya ayaa lagu wadaaa in maanta oo khamiis ah ay helaan kuraasta Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay, ka dib codeyn qarsoodi ah oo ka dhacaysa shirka Golaha loo dhan yahay.193-ka xubnood ee caalamka ayaa lagu wadaa in ay u codeeyaan in ay doortaan shan waddan oo golaha Ammanka ku jiridoona muddo labo sano ah.Shantan xubnood waxay ku biiri doonaan shanta xubnood ee joogtada ah ee codka diidmada qayaxan ku leh Maraykanka, Ruushka,…

Kuuriyada Koonfureed oo balan qaad muhiim ah u sameeysay Soomaaliya

 Khamiis, Juun, 6, 2024 (AX) - Raysal Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Xamse Cabdi Barre ayaa kulan gaar ah kula qaatay magaalada Seol ee Caasimadda dalka Kuuriyada Koonfureed dhigiisa dalkaas Han Duck-soo.Raysal wasaarayaasha dalalka Soomaaliya iyo Kuuriyada Koonfiureed ayaa kulankooda kaga wadahadlay xoojinta xiriirka ka dhaxeeya labada dal iyo sidii loo abuuri lahaa iskaashi ku qotoma danaha ay wadaagaan Soomaaliya iyo Kuuriyada Koonfureed.Labada Raysal wasaare ayaa isla meel dhigay muhiimada ay leedahay in…

Maamulayaasha Dugsiyada Baledweyne iyo Waalidiinta oo si kulul uga horyimid amar kasoo baxay Hirshabeelle

 Khamiis, Juun, 6, 2024 (AX) - Maamulayaasha Dugsiyada Waxbarasho ee ku yaala magaalada Baledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan iyo Waalidiinta ardayda ayaa si weyn uga horyimid lacago ay kusoo rogtay ardayda dhigata Dugsiyada Baledweyne Wasaaradda Waxbarashada Hirshabeelle.Wasaaradda Waxbarashada Hirshabeelle ayaa ardayda u fariisaneysa imtixaanka Shahaadiga dugsiga dhexe ee sanad Dugsiyeedka 2023/2024, kusoo rogtay ardaygiiba inuu bixiyo lacag dhan $25 oo aanan horay looga qaadi jirin ardayda.Wasaaradda ayaa amar ku…

Askarta PSF oo ka jawaabay eedayntii taliyaha ciidanka booliiska Waqooyi Bari

Khamiis, Juun, 6, 2024 (AX) - Taliska ciidanka PSF ayaa iska fogeeyay eedayn uga timid taliyaha ciidanka Booliiska Putland, gaashaanle sare Muumin Cabdi Shire, kaasoo ku eedeeyay inay weerareen saldhigga dhexe ee magaalada Boosaaso.Falkaas oo ka dhashay dhaawaca labo askari ayay PSF sheegtay inay  xireen askartii falkaas geystay.Warsaxaafadeed kasoo baxay ciidanka PSF ayaa lagu sheegay in aysan bixin amarka falkii ka dhacay magaalada Boosaaso, iyagoo sheegay in xubno kamid ah ciidankooda oo laga xirtay dad qaraabadooda ah…

Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida oo xukun adag ku riday xubin ka tirsanaa Al-shabaab

 Arbaco, Juun, 5, 2024 (AX) - Maxkamadda ciidamada qalabka sida ee Soomaaliya ayaa maanta xukun adag ku riday Maxamuud Maxamed Macalin oo lagu helay inuu ka tirsanaa kooxda Al-shabaab.Maxamuud Maxamed Macalin oo loo yaqaano Karaama ayaa Maxkamadda ciidamada ku xukuntay 8 sano oo xabsi ciidan ah, kaasoo ay sheegtay Maxkamadu inuu kooxda Al-shabaab u qaabilsana uruurinta lagcagaha baadda ah oo ay ka qaado reer Muqdisho."Eedeysane Maxamuud, ayaa argagixisada u aruurin jiray lacagaha baadda ah, isaggoo Khawaarijta u gudbin…

Hogaamiyaha maamulka Galmudug oo magacaabay Wasiiro cusub

Arbaco, Juun, 5, 2024 (AX) - Hogaamiyaha maamulka Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoor qoor ayaa magacaabay xubno ka mid noqonaya golaha Wasiiradda maamulka Galmudug.Hogaamiye Qoor qoor ayaa magacaabay sadax Wasiir, hal wasiir ku xigeen iyo laba wasiiru dowle, kuwaas oo ka mid noqonaya xubnaha golaha wasiiradda dowlad goboleedka Galmudug.Wasiiradda uu magacaabay Hogaamiye Qoor qoor ayaa kala ah Cabdiweli Cabdullaahi Jaamac Wasiirka Caafimaaadka iyo Daryeelka Bulshada, Cabdinuur Maxamuud Maxamed Wasiirka Gaadiidka iyo Duulista…

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More