Raysal wasaare Xamse oo magaalada Seol uga qeybgalay shir muhiim ah oo ka furmay

 
Talaado, Juun, 4, 2024 (AX) – Raysal wasaaraha Xukuumadda Fedaraalka Soomaaliya Xamse Cabdi Barre iyo wafdi uu hoggaaminaayo ayaa magaalada Seol ee dalka Koonfur Kuuriya uga qeyb galay shir madaxeedka Kuuriyada Koonfureed iyo Afrika oo goordhaw si rasmi ah u furmay.
Shir madaxeedkaan u furmay Kuuriyada Koonfureed iyo madaxda Afrika ayaa socon doono mudo laba maalmood ah, kaasoo dhinacyada ay diiradda ku saari doonaan xiriirka soo jireynka ahaa ee ka dhaxeeyay Kuuriyada Koonfureed iyo Afrika.
Laba dhinac waxay sidoo kale ka wada hadli doonaan sidii ay iskaashi xoogan uga yeelan lahayeen arrimaha ganacsiga, horumarinta kaabayaasha dhaqaalaha iyo saameynta isbadalka Cimilada ee qaaradda Afrika.
Raysal Wasaaraha Soomaaliya Xamse Cabdi Barre ayaa lagu wadaa inuu galabta ka jeediyo shirkaan khudbad xasaasi ah oo uu kaga hadlayo arrimo badan oo ay ka mid yihiin fursadaha maalgashi ee ka jira Soomaaliya iyo dadaalka dowladda ay ku bixisay dhinacyada amniga, dhaqalaha iyo arrimaha bulshada.
Xamse Cabdi Barre ayaa mudada uu ku sugan yahay magaalada Seol ee Caasimadda Kuuriyada Koonfureed kulamo gooni gooni ah kula qaadan doono madaxda ka qeyb galeysa shirka oo uu kala hadli doono xaalada guud ee Soomaaliya.


This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More