Ciidamadii ugu badnaa oo maanta kaabiga ku haaya deegaanka Ruunirgood

 
Isniin, Juun, 3, 2024 (AX) – Wararka ka imaanaya gobolka Shabeellaha Dhexe ayaa sheegaya in ciidamadii ugu badnaa ay ku hareersan yihiin deegaanka Ruunirgood oo ay ku sugan yihiin kooxda Al-shabaab.
Ciidamada ku hareereysan deegaanka Ruunirgood ayaa ujeedkoodu yahay sidii ay deegaankaas uga saari lahayeen kooxda Al-shabaab oo halkaas ku leh difaacyo adag.
Sarkaal ka tirsan ciidanka xoogga dalka ayaa warbaahinta u sheegay iney kaabiga ku hayaan deegaanka Ruunirgood, islamarkaana ay madaxda dowladda ka sugayaan amarkii ay ku gali hayeen gudaha deegaankaas.
Wararkii ugu dambeeyay ayaa sheegaya in saakay kooxda Al-shabaab intooda badan ay isaga baxeen fariisimahii ay ku lahayeen gudaha deegaanka Ruunirgood ee gobolka Shabeellaha dhexe.
Si kastaba ha ahaatee kooxda Al- shabaab waxaa horay looga saaray gacantooda deegaano iyo degmooyin muhiim ah oo tirsan gobolka Shabeellaha Dhexe oo ay ka talin jireen mudo aad u dheer, waxaana la filaya in saacadaha soo socda gacantooda laga saaro deegaanka Ruunirgood.


This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More