Weriyihii ruug-caddaaga ahaa ee Soomaaliyeed Maxamed Caweys Mudey, oo ay dad badani u yaqaannaan “Boqorka Bartamaha,” ayaa habeenkii Jimcaha lagu dilay Jarmalka, halkaas oo uu sannadihii u dambeeyay ku noolaa, sida ay sheegeen mas’uuliyiin Soomaali ah.
Waxaa la sheegay in Mudey uu weeraray nin mindi sitay. Xaaladaha ku xeeran dilka ayaa weli aan caddayn, booliska Jarmalkuna ma aysan soo saarin xog dheeraad ah oo ku saabsan dhacdada.
- Advertisement -
Mudey waxa uu tobannaan sano ka soo shaqeynayay saxaafadda, isaga oo ka tirsanayay warbaahinta qaranka Soomaaliyeed ka hor iyo ka dib burburkii dowladdii Soomaaliya.
Wasaaradda Warfaafinta Soomaaliya ayaa bayaan ay soo saartay tacsi ugu dirtay qoyska Mudey, eheladiisa iyo bahda warbaahinta Soomaaliyeed ee ay wada shaqeeyaan.
Bayaanka waxaa lagu soo saaray magaca Wasiirka Warfaafinta Cabdulfataax Qaasim Maxamuud, Wasiir Ku-xigeenka Cabdiraxmaan Yuusuf Cumar Al-Cadaala, Agaasimaha Guud Cabdullaahi Xayir Ducaale, agaasimayaasha waaxyaha iyo shaqaalaha wasaaradda.
Wasiir Cabdulfataax ayaa Alle uga baryay inuu Mudey darajada ugu sarreysa Jannada geeyo, qoyskiisa, eheladiisa, saxafiyiinta ay wada shaqeeyaan iyo ummadda Soomaaliyeedna siiyo samir iyo iimaan.
Mudey waxa uu ka mid ahaa saxafiyiintii Soomaaliyeed ee dalka uga baxay amni darrada, kuwaas oo ugu dambeyn nolol ka sameystay dalal shisheeye.
Warka geeridiisa ayaa murugo ku abuuray saxafiyiinta Soomaaliyeed iyo xubno ka tirsan qurbojoogta ballaaran, kuwaas oo ku xusuustay inuu ahaa halyey ruug-caddaa ah oo saameyn ku lahaa warbaahinta baahinta Soomaaliyeed.