Baydhabo (AX) — Guddoomiyaha Maxkamadda Sare ee Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed, Dr. Axmed Cali Muuse, ayaa iska casilay xilkiisii, isagoo warqad uu Khamiistii diray si rasmi ah ugu wargeliyay hoggaamiyaha Koonfur Galbeed, Sheekh Aadan Maxamed Nuur Madoobe.
Axmed ayaa sheegay inuu si iskiis ah uga degayo xilka guddoomiyaha garsoorka, wuxuuna hoggaamiyaha Koonfur Galbeed ka codsaday inuu aqbalo iscasilaaddiisa.
- Advertisement -
“Waxaan go’aansaday inaan si iskiis ah uga dego xilka guddoomiyaha garsoorka,” ayuu Axmed ku qoray warqadda iscasilaadda.
Muddadii uu xilka hayay, Axmed wuxuu sheegay inuu ku dadaalay ilaalinta caddaaladda, dhowrista madax-bannaanida garsoorka iyo difaaca Dastuurka, isagoo u adeegaya shacabka Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed.
Waxa uu uga mahadceliyay hoggaamiyaha Koonfur Galbeed, hay’adaha garsoorka iyo hay’adaha dowladda wada shaqeyntii ay la lahaayeen muddadii uu xilka hayay.
Sida ku xusan warqadda, iscasilaaddu waxay dhaqan geli doontaa marka si rasmi ah loo aqbalo.