Maxkamadda Garoonka Caalamiga ah ee Jomo Kenyatta (JKIA Law Courts) ayaa ku xukuntay muwaadin u dhashay dalka Soomaaliya ganaax lacageed oo dhan Sh370,000, kaddib markii uu qirtay dambiyo la xiriira inuu dalka Kenya ku joogay si sharci-darro ah isla markaana uu qaab been-abuur ah ku qaatay kaarka aqoonsiga iyo baasaboorka dalkaasi.
Xukunkan ayaa ka dhashay baaritaanno qoto-dheer oo ay sameeyeen dambi-baarayaasha Hay’adda Baarista Dambiyada ee Kenya (DCI), kuwaas oo kiiska kala wareegay saraakiisha socdaalka ee garoonka JKIA.
- Advertisement -
Sida ay caddeysay DCI, baaritaannada ayaa lagu ogaaday in eedeysanuhu uu marka hore ku helay dukumentiyada aqoonsiga Kenya xog been-abuur ah, isaga oo markii dambena ku qaatay baasaboorka Kenya bixinta macluumaad marin-habaabin ah.
Eedeysanaha ayaa qirtay dhammaan saddexdii dambi ee loo haystay, waxaana lagu kala ganaaxay Sh150,000 oo ah joogitaanka sharci-darrada ah ee gudaha Kenya, Sh150,000 oo ku saabsan been-abuurkii uu u adeegsaday helitaanka baasaboorka Kenya, iyo Sh70,000 oo lagu saaray inuu si ku-talagal ah u isticmaalay kaar aqoonsi oo ay ku qoran yihiin xog been ah si uu dadka u khiyaaneeyo.
Maxkamaddu waxay go’amisay in xabsiga la dhigo haddii uu bixin waayo ganaaxyada lagu soo rogay, iyadoo sidoo kale fartay in dib loogu celiyo dalka Soomaaliya marka uu dhammeystiro bixinta lacagahaas ganaaxa ah.
Dhinaca kale, xeerbeegtida ayaa amartay in baasaboorkii Kenyaanka ahaa ee lagu qaatay habka khiyaanada ah lagu wareejiyo Agaasimaha Guud ee Adeegyada Socdaalka si gebi ahaanba loo baab’iyo.
Kiiskan ayaa muujinaya tallaabooyinka adag ee ilaalinta socdaalka dalka Kenya, kuwaas oo ajaanibta ku waajibinaya inay buuxiyaan shuruudaha saxda ah ee dalka lagu soo galo, isla markaana mamnuucaya in dukumentiyada aqoonsiga iyo socdaalka lagu qaato xog marin-habaabin ah.
Soomaaliya ayaa si cad looga reebay siyaasadda fiiso la’aanta ah ee Kenya u hirgelisay muwaadiniinta dalalka Afrikaanka ah.
Dadka sita baasaboorka Soomaaliya ayaa weli ku xiran habraacyada socdaalka, waana inay helaan fiiso ama Oggolaanshaha Safarka ee Elektaroonigga ah (eTA), iyadoo codsiyadoodu ay hoos yimaadaan qaybta fiisooyinka u baahan baaritaanka dheeriga ah (referred-visa) ee oggolaanshahoodu tooska uga yimaado Agaasimaha Adeegyada Socdaalka.
Hase yeeshee, muwaadinnimada Soomaaliya kama hor istaagayso qofka inuu si sharci ah ku helo dhalashada dalka Kenya.
Muwaadiniinta ajannabiga ah, oo ay ku jiraan kuwa Soomaaliya, waxay si sharci ah u dalban karaan qaadashada jinsiyadda Kenya haddii ay buuxiyaan shuruudaha lagu xusay Dastuurka iyo Xeerka Jinsiyadda iyo Socdaalka Kenya (Kenya Citizenship and Immigration Act).
Qofka ajannabiga ah ee qaangaarka ah oo si sharci ah oo xiriir ah ugu noolaa Kenya ugu yaraan muddo toddobo sano ah ayaa xaq u leh inuu codsado diiwaangelinta jinsiyadda dalkaasi.
Sharcigu wuxuu sidoo kale jidka u xaarayaa codsiyada ay soo gudbiyaan ajaanibta guursaday muwaadiniin Kenyan ah ugu yaraan muddo toddobo sano ah, haddii ay buuxiyaan dhammaan shuruudaha kale ee sharcigu dhigayo.
DCI ayaa shaacisay inay ka go’an tahay ilaalinta badqabka iyo hufnaanta dukumentiyada aqoonsiga iyo safarka ee dalka Kenya, iyadoo kaashanaysa hay’adaha ay khusayso si loo dabagalo loona maxkamadeeyo cid kasta oo isku dayda inay sharciga baal marto iyadoo adeegsanaysa dukumentiyo been-abuur ah.