Browsing Tag

lagu

Raysal wasaare Xamse oo hay’adaha dowladda ka mamnuucay shirarka dibadda lagu qabto

 Khamiis, April, 25, 2024 (AX) - Xukumadda Soomaaliya ayaa hay’adaha dowladda ka mamnuucday in meel ka baxsan dalka lagu qabto shirarka u dhexeeya heerarka kala duwan ee hay’adaha dowladda. Go’aankaan ayaa laga sheegay shirka golaha wasiirrada Soomaaliya oo uu shir guddoominayay raysal wasaaraha Soomaaliya, Xamse Cabdi Barre.Waa markii labaad oo sanad gudihiisa ay dowladda hadalkaan sheegto.Wuxuu kusoo beegmay, iyadoo dowladda lagu dhaliilayo in hay’adaha dowladda ay shirar ku qabsadaan dalalka dibadda sida Kenya oo ugu…

Ka Badan 100 ka tirsan kooxda Al-shabaab oo lagu dilay howlgal ka dhacay gobolka Mudug

Khamiis, April, 25, 2024 (AX) - Xukumadda Fedaraalka Soomaaliya ayaa Sharaaxdey ka bixisay howlgal culus oo maanta oa dhacay dhulka howdka ah ee ku yaala deegaanka Tabar mooge oo qiyaas ahaan 28 KM dhanka Waqooyi kaga beegan degmada Xarardheere ee gobolka Mudug. Warsaxafadeed kasoo baxay Wasaaradda Warfaafinta Soomaaliya lagu sheegay in howlgalka oo ay iska kaashadeen ciidanka dowladda iyo kuwa saaxiibada Caalamka lagu dilay in ka badan 70 xubnood oo ka tirsan kooxda Al-shabaab oo isku aruursanaayay deegaankaas.…

Dowladda Fedaraalka oo faahfaahin ka bixisay howlgal lagu dilay xubno badan oo ka tirsan Al-shabaab

Arbaco, April, 24, 2024 (HOL) - Warsaxafadeed kasoo baxay Wasaaradda Warfaafinta Xukuumadda Fedaraalka Soomaaliya ayaa lagu sheegay in ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed oo kaashanaya kuwa saaxiibada Caalamka ay howlgal ku dileen in ka badan 30 xubnood oo ka tirsan kooxda Al-shabaab. Howlgalka ayaa si gaar ah uga dhacay deegaanka Carfuuda oo qiyaas ahaan magaalada Xarardheere ee gobolka Mudug uga beegan dhanka Waqooyo 20 KM. Warsaxafadeedka ayaa lagu sheegay in ciidamada iskaashanaya ay beegsadeen labo xarumood oo kala…

AUN Hogaamiye Cali Mahdi oo lagu aasay magaalada

Xasan Xundubey Jimcaale Sii hayaha Wasiirka Amniga ee Dowlada KMG ayaa ka hadlay aaska AUN Cali Mahdi Maxamed Madaxweynihii 4-aad ee Soomaaliya oo maanta lagu aasay degmada Yaaqshiid ee gobolka Banaadir. Xundubey wuxuu sheegay in dadaalka guddigii loo xilsaaray aaska madaxweynihii hore ee Soomaaliya ay fududeysay masuuliyadii laga sugayay dhowr meelood sida meydka oo la qaado, aaska iyo aaska. Ku simaha Wasiirka Amniga ayaa shacabka Soomaaliyeed uga mahadceliyey dhibaatooyinkii ay kala soo kulmeen waddooyinka ay xireen…

Khasaaraha ka dhashay weerar lagu qaaday Gudoomiyaha

Ugu yaraan seddex askari ayaa la xaqiijiyay in ay ku dhinteen dhowr kalena ay ku dhaawacmeen qarax miino oo ka dhacay degmada Yaaqshiid ee gobolka Banaadir, sida ay Axadle u sheegeen saraakiisha amniga Soomaaliya. Qaraxa ayaa lala eegtay gaari uu la socday guddoomiye ku xigeenka arrimaha bulshada ee degmada Yaaqshiid ee gobolka Banaadir, Cabdullaahi Shilow. Qaraxa oo laga maqlay qeybo ka mid ah caasimada ayaa ka dhacay agagaarka Hotel Guuleed. Waa qaraxii labaad oo noociisa ah oo ay Al-Shabaab maanta ka geystaan…

Tahriibayaal ku nafwaayey Dooni ku qalibantay Xeebaha Tunisia

Dowlada Tunisia ayaa sheegtay in la helay meydadka 20 muhaajiriin ah, halka kooxaha gurmadka ay raadinayaan dad kale oo ilaa iyo hada aan la ogeyn. Saraakiisha dowladda ayaa warbaahinta u sheegay in dadkaas ay ka baxeen mid ka mid ah xeebaha dalka oo ay si dhuumaaleysi ah ay doonayeen in ay ku galaan dalka Talyaaniga, maadaama dekedda Liibiya ay ka taagan tahay dhibaato. Ciidamada ilaalada xeebaha Tunisia ayaa sheegay in doonta iyo meydadka ay dul sabeynayeen biyaha, halka qaarkoodna ay ku soo adeen dhanka xeebta …

FESOJ oo codsatay in shuruud la’aan lagu sii daayo

Xiriirka Suxufiyiinta Soomaaliyeed (FESOJ) wuxuu si kulul u cambaareynayaa xariga wariye Cabdulqaadir Faarax Dulyar oo xalay lagu xiray magaalada Beledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan. FESOJ waxay sheegtay inay ka xun tahay hab dhaqanka ciidamada amaanka, iyagoo ku eedeeyay in weriyaha ay xalay saqdii dhexe ugu dhaceen hoteel uu ka deganaa magaalada Beledweyne. “Xiriirka Suxufiyiinta Soomaaliyeed (FESOJ) wuxuu si adag u cambaareynayaa xariga sharci darada ah ee Maamulka HirShabeelle, gaar ahaan Hogaamiye ku xigeenka…

Taliska Booliska Boosaaso ayaa sheegay inay soo saareen Miino dhulka lagu aasay

Wararka naga soo gaaraya magaalada Boosaaso ee xarunta gobolka Bari ayaa sheegaya in ciidamada amaanka ay ku guuleysteen soo saarida miino lagu aasay mid kamid ah wadooyinka magaalada. Ciidankan oo helay xog ku saabsan miinada dhulka lagu aaso ayaa waxa ay sameeyeen howl gal daqiiqado qaatay ugu dambeyntiina waxa ay ka soo saareen bambkii, sida uu sheegay Taliska Booliska Boosaaso. Taliyaha Qeybta Booliska Gobolka Bari ayaa dhankiisa sheegay in Qaraxyada Al-Shabaab iyo Daacish la doonayay in lagu waxyeeleeyo dadka…

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More