WASHINGTON – Arrimaha cakiran ee Soomaaliya ayaa safka hore kaga jiray wadahadalladii istaraatiijiga ahaa ee wejigoodii siddeedaad, kaas oo 23-kii Nofeembar 2026 magaalada Washington ku dhex maray dowladaha Mareykanka iyo Qatar.
Shirkan heerkiisu sarreeyo oo ay goobjoog ka ahaayeen diblamaasiyiin iyo mas’uuliyiin miisaan culus, waxaa si wadajir ah u hoggaaminayay Xoghayaha Arrimaha Dibadda Mareykanka Marco Rubio iyo Ra’iisul Wasaaraha ahna Wasiirka Arrimaha Dibadda Qatar Sheekh Maxamed bin Cabdiraxmaan Al Thani.
Qoraal wadajir ah oo laga soo saaray natiijada wadahadallada ayaa lagu xaqiijiyay in xaaladda Soomaaliya ay ahayd qodob xasaasi ah oo miiska saarnaa, iyadoo la eegayo caqabadaha dhinacyada amniga iyo siyaasadda ee xilligan ragaadiyay gobolka iyo saaxadda caalamka.
Waxa kale oo ay labada dhinac si qoto dheer u gorfeyeen xiisadaha ka taagan Gaza, Iiraan, Suuriya, Lubnaan, Afgaanistaan, gobolka Saaxil iyo Rwanda, iyagoo hoosta ka xariiqay muhiimadda ay leedahay in iskaashi diblomaasiyadeed lagu wajaho dhibaatooyinka siyaasadeed iyo kuwa ammaan ee jira.
Inkasta oo arrimaha dalka lagu soo hadal-qaaday kulanka, haddana war-murtiyeedka laguma faahfaahin mawqifka dhabta ah ee Washington iyo Dooxa ay ka qaateen xaaladda Soomaaliya, lamana shaacin tallaabooyin gaar ah oo ay u qorsheeyeen arrimaha dalkaas.
Wadahadalladan ayaa qayb ka ah qorshayaasha ay labada dal ku adkeynayaan isbahaysigooda fog, gaar ahaan xoojinta amniga, difaaca qaranka, la-dagaallanka argagixisada iyo kor u qaadista wadashaqaynta heer gobol.
AXADLETM